Maxaad kala socotaa dhismaha Dugsiga sare ee Guulwade Kismaayo+ Sawiro
Kismaayo-(Rajonews) Magaalada Kismaayo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Soomaaliya waxaana ku nool dad weyne ad u bdna oo isugu jira kuwo horay u dagana iyo kuwo soo barakacya oo dagaalada konfurta ka soo cararay.
Waxa ay magaaladu leedhay Schoolo kala duwan oo Sare,Dhexe iyo Jaamacadba leh, iyada oo ay garab socdaan Schoolo shaqsiyaad leeyihiin oo aysan hay’aduhu garabsiinin.
Maalinba maalinta ka danbaysa magaalada Kismaayo waa ay sii balaranaysaa waxan dhacday in xaafadaha oo kala fogaaday awgeed ay ardada qaar ku adkaato in ay meelo fog fog u aadan waxbarashada, iyada oo taas laga duulayo ayay aqoonyahan, iyo waxgarad iskaashanaya u istageen in ay furaan School ahmiyad weyn u leh shacabka reer Kismaayo gaar ahaan xaafada Guulwade oo ka mid ah xaafadaha ugu balaran kismaayo isla markaana ah xaafad abuurantay Dolwadii kadib.
Schoolka Guulwade waa iskuul laga furay xaafadda Guul-wade ee degmada Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose waxaana loogu magacdaray xaafada laga furay, schoolkan waxaa la furay dhammaadkii sanadkii 2010kii, Schoolka biloowgiisii wuxuu dagay dhisme kiro ah oo kuyaala xaafadda gudaheeda, kaas oo uu kushaqeynaayo muddo laba sano ah, intii lagu guda jiray labadaas sano Schoolka waxaa ka baxday laba dafcadood oo dhamaystay waxbarashada Dugsiga Sare,taas oo keentay in iskoolka oo isticmaalaya hab casri ah oo ardayga sanadkii uu ku qaadanayo laba galaas,Tusaale ahaan ardayga fasalka koowaad dugsiga hoose bilaaba wuxuu waxbarashadiisa ku dhamaysanayaa muddo lix sano oo qura ah halkii ay awal ka ahayd laba iyo toban sano.
Haddaba aasaasayaashii iyo odayaasha deegaanka waxay ka fakareen in lahelo dhisme uu Schoolka leeyahay,dadaal kadib waxaa suurta gashay in maamulka degmada Kismaayo ay Schoolka siiyeen dhul cabirkiisu yahay 50×50,kaasoo kuyaala gudaha xaafadda Guulwade.
Haddaba qiimeyn lasameeyay ayaa lagu ogaaday in dhismahaan uu ku kici doono aduun dhan 130.000 (boqol iyo soddon kun oo doolar) taasoo ay dhabarka u ridan doonaan bahweynta reer Guulwade dal iyo dibadba.
Kulamo dhacay ayaa dadka deegaanka iyo dad muxsiniin ahba laga aruurshay lacag dhan 50.000 doolar,taasoo lagu bilaabay dhismihii iskoolka oo ka koobnaan doona 23 qol oo isugu jira Fasalo, Xafiisyo, Sheybaaro, Maktabado, Hoolka shirka iyo musqulo dhan todoba musqulood.
Dhaqaalahaasi waxa uu caawiyay in la tagaago dhismaha intii ugu muhiimsanayd waxaana iminka uu marayaa gabo gabo, balse howshii waa ay taagantahay iminka kadib markii dhaqaalihii la soo xareeyay uu ku idlaaday dhismaha.
Waxa lagu wargalinayaa shacabka Reer Kismaayo ee ku nool Caalamka iyo gudahaba in ay ka qayb qataan dhamaystirka schoolkan oo waxbadan ka caawin doona shacabka sidii ay u dhisi lahayeen maskaxda ubadkooda iyo dadkooda.
Maamulka iyo waxgaradkii howshan u istaagay waxay muujiyeen dadaal lama ilaabaan ah waxaana ay wali sii wadaan sidii gacan ay ugu heli lahayeen dhamaystirka howshaan.
How ilaabin shacabkaaga dagaalada iyo dhibaatada ka qayb qaado dhanka horumarka ajarna gurubso, taariikhda waa qorantaa Geesayaalna waa kuwa talaabooyinkan oo kale bulshada u sameeya.
Hadii ad doonayso in aad la xariirto maamulka waxa aad kala xariiri kartaa
+252615162259 ama +252695162259










Masha alah Waa guul uso hoyatay dhamanba shicibka kala duwan e ku dhaqan m.kismayo iyo nawaxigeda aniga ahan iyo inta igu fikirka ah aad ayan ugu faraxsanahay isbadalka horumarka kala duwan ee u ku tilaabsaday schoolka gulwade waxan ahay mid kamida ardaydi dufcadihii horay uga qalin jabisay schoolkan waxana mahad weyn iska leh alah kadibna dadki gacan ka geystay iskuna howlay horumarkan dhanka waxbarashada ah ee bulshada rer kismayo ay ka faa’iidaysan karan waxbarasho ilaa heer dugsi sare ah o tayo leh waxan si gaar ah ugu mahad celinaya macaliminta scholka o u taagan haqabtirka ardayda iyo dhisida aqootoda…
guuuuuuuuuuuuuuuul mansha alaaaah allaahu akber guul wade waaba xafadeydi aan guuri dabaq baan kuleeyahaye guulwade mansha allaah kismaayo hadan usocdaa insha alaaah bisha marso marke dhamaato yaan usocdaa magaladeey diii