Filim laga sameeyay afduubkii saxafiyiinta Nigel iyo Amanda (Daawo)

Filim laga sameeyay afduubkii  weriyeyaashii  Nigel Brennan iyo Amanda Lindhout, oo  lagu afduubtay  Soomaaliya, kuwaas oo in mudaa gacanta ugu jiray Burcad.

Wariyayaasha ayaa ka soo kala jeeda wadamada Australia iyo Canada  (Nigel Brennan- Australia iyo Amanda Lindhout – Canada) Waxa uuna Filimkaan muujinayaa qaabkii uu u dhacay afdubkaasi iyo sidii loola dhaqmay, taas oo muujinaysa in ay la kulmeen dhibaato cabsi iyo jirdil aad u badan.

Mudada uu Filimkan socdo waxaa warbixin goos goos ah bixinya wariyihii la afduubtay oo ka sheekaynaya halkii iyo qaabkii iyo maamulkii meesha lagu afduubtay.

Waxaa Filimka matalaya dad loo ekeysiiyay Soomaali lakin aan ahayn maadama uu Saxafigu sharaxay qaabkii wax ugu dhaceen isaga iyo Inantii la socotayna uu muujinayo in ay la martay dhibaatada.

Jamaal Yare

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.