Chelsea iyo Manchester City ayaa ku heshiiyay inay dhibcaha kala qeybsadaan

 

RAJONEWS.Rafa Benitez ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeysay ee isagoo tababare u ah Chelsea oorin uu kala kulmay taageerayaasha martida loo yahay kuwaasoo ku heesayay “Waxaa Jira Kaliya Hal Di Matteo” (There Is Ony One Di Matteo).

David Silva ayaana fursadii ugu horeysay ee ciyaarta helay ka dib markii uu madaxeeyay karoos ka yimid Zabaletta balse waxa uu dulmariyay goolka dushiisa.

Fursadii ugu horeysay ee goolhaye uu badbaadiyo ayaa timid daqiiqadii 37aad ee ciyaarta, ka dib markii darbo joog hoose oo uu tuuray Zabaletta uu badbaadiyay goolhaye Petr Cech.

City ayaa fursad kale heshay shan daqiiqo ka dib markii Dzeko uu madaxeeyay karoos uu soo dhigay Kolarov, waxaana fursad ku helay kubad Aguero oo hortaagnaa goolka, laakiin kubada ayuu gacanta u geliyay Petr Cech.

Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta ay ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah, iyadoo ciyaarta fursadaheeda ugu badan ay abuureen City.

Chelsea ayaa qeybtii labaad ee ciyaarta ku soo gashay si weerar ah, iyagoo fursado qaar iska qasaariyay oo ay ku jirto kubad uu ka horjoogsaday Kompany iyo kubada uu Ramires dusha sarre goolka mariyay.

Daqiiqadii 61aad Torres ayaa u soo dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Chelsea, ka dib markii Hazard uu kubad fiican u dhigay balse ciyaaryahanka reer Spain ayaa darbadii xooganeyd ee uu tuuray waxa ay si ciriiri ah ku dulmartay

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.