AC Milan ayaa guul muhim ah ka gaartay kooxda Juventus ka dib markii ay ku suuldaareen

 

RAJONEWS.Labada kooxood ee Milan iyo Juventus ayaa ciyaarta ku bilaabay si xamaasad leh, Milan ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 30aad markii ay heleen rigoore uu muran ku jiro oo laga dhigay Maurico Isla oo lagu eedeeyay inuu kubad gacanta ku taabtay balse ku celiskii la daawaday ay muujineysa in kubada aysan uga dhicin gacanta.

Rigooradii loo dhigay Milan ayaa waxaa gool u sarifay Robinho inkastoo Buffon ay faro cido leh kaga baxsatay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Rossoneri.

Juventus ayaana qeybtii labaad ee ciyaarta wax ka bedeshay iyagoo weeraro isdaba joog ah ku qaadayay Milan, waxaana ay heysteen kubada inteeda badan. Juve ayaana heshay dhowr fursadood oo goolal loo fishay laakiin midkoodna ma aysan dhameystirin.

Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo ay ku badisay AC Milan, taasoo ka saaciday AC Milan inay ka soo kacdo kaalinta 12aad islamarkaana soo gasho kaalinta 8aad iyagoo leh 18 dhibcood

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.