Tababaraha kooxda AC Milan Massmiliano Allegri ayaa qirtay in kooxdiisa ay nasiib ku laheyd rigooradii loo

 

Robinho ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta ka dib markii Maurico Isla laga dhigay inuu kubad gacanta ku taabtay, inkastoo ku celiskii la daawaday ay tilmaameysay inay kubada kaga dhacday feeraha.

Allegri ayaana sheegaya in rigoorada ay aheyd qalad ay sameeyeen garsoorayaasha, laakiin waxa uu dhaqsaba amaanay shaqadii ay qabatay kooxdiisa oo ay Bianconeri ku dhandhansiiyay guuldaradii ugu horeysay ee iyagoo marti ah muddo 18 bilood ah.

“Kursiga keydka ee aan fadhiyay waxa ay u muuqatay inay rigoore aheyd, laakiin markaan daawaday ku celiska ma aheyn in rigoore la dhigo” ayuu Allegri u sheegay Sky Sport Italia.

“Ciyaartan waxa ay dagaal rasmi ah u aheyd ciyaartoyda. Waxaana Juventus u ogolaanay kaliya hal darbo oo goolka ku aadan, halka aan anaga helnay afar ama shan fursadood oo waa weyn.

“Waxaan qabaa in kooxda ay shaqo fiican qabatay kulankii aan la ciyaarnay Juventus. Waa wax cajiib ah inaan Juventus u diidnay wax fursad ah gabi ahaanba.

“Waxaan u difaactanay si habeysan, ciyaartoydana amaan ayay ku mudan yihiin. Waxaan u shaqeynay koox ahaan, taasoo ah calaamad wanaagsan

 

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.