Xulka Soomaaliya oo Shalay looga badiyay ”1-5”+(Daawo)

Kampala-(Rajonews) Cayaar aad u xiiso badan ayaa shalay waxa ay dhaxmartay Koox-da Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Qaranka Dalka Brundi.

cayaarta oo aheeyd horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika ayaa ka dhacday garoonka kubada cagta ee Mandella Stadium oo ku yaala magaalada Kambala ee caasimada dalka Ugandha iyadoona cayaar Kulul ay dhexmartay ciyaartooyda xulalka kubada cagta ee Somalia iyo Burundi.

Xulka Qaranka Soomaaliya waloow aysan Helin wax Daryeel iyo Tababaro ku filan ah haddana Shalay waxay Muujiyeen Dadaal badan iyagoona Dhaliyay Hal Goal oo ay ku heleen rigoore Wareega Labbaad ee Cayaarta,iyadoona u dhaliyey Jabriil Xasan Fariid oo isagu Xulka Soomaaliya u Tuuray Kubada Rigoorada loogu dhigay.

Cayaarta ayaa kusoo Idlaatay 1-5,iyadoona Xulka Soomaaliya looga badiyay 5-Goal halka ay iyana heleen hal goal oo kaliya, iyadoona aysan aheeyn markii ugu horeeysay oo Goolal sidan u badan looga badiyo koox-da xulka Soomaaliya oo dhoowr jeer ay kabadiyeen Dalalka Ethopia, Kenya iyo Ugandhaba.

haddaba Halkan Hoose ka Daawo Qaabka ay u dhacday Cayaartii Shalay Dhexmartay labbada Xul ee Soomaaliya iyo Brundi.

E-mail:rajonews3@gmail.com

One comment on “Xulka Soomaaliya oo Shalay looga badiyay ”1-5”+(Daawo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.