Xiddigii hore ee Holland oo 150 gool dhaliyay shan sanno

RAJONEWS.Ruud van Nistelrooy ayaa shaaca ka qaaday in Robin van Persie uu leeyahay awooda uu Manchester United ugu hogaamiyo inay hantaan horyaalka Premier League.

Xiddigii hore ee Holland oo 150 gool dhaliyay shan sanno oo uu ku qaatay Old Trafford ayaa aaminsan in ninka ay isku wadanka yihiin oo sideed gool dhaliyay 13 kulan uu saftay horyaalka xilli ciyaareedkan inuu United ka caawin karo inay horyaalka dib ugu guuleystaan.

Waxa uu u sheegay Daily Mirror: “Sida uu Robin haatanba cadeynayo, waxa uu natiijo keenay dhowr jeer. Hadii uu sidaan ku sii socon karo xilli ciyaareedka oo dhan, markaas waxaan arkaa iyadoo United ay ku guuleysaneyso horyaal kale.

“Waxaan qabaa inuu si wacan u la qabsaday United. Muhim ayay u tahay gooldhaliye in marka uu koox cusub tago inuu bilaabo inuu goolal dhaliyo xilli

JARONEWS3@GMAIL.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.