Ciyaartooyda Soomaaliya oo galabata la ciyaari doona Ciyaartooyda dalka Suudaan

Muqdisho(Rajonews)Xulka Kubadda cagta dalkeena Soomaaliya ayaa galabta la ciyaari doono xulka ciyaaraha dalka Suudaan ciyaartaasi oo ka dhici doonta Ugandha.

Kulanka oo ah mid adag ayaa wuxuu ka dhici doona Magaalada Kampala ee dalka Ugandha halkaasi oo labada kooxood ay fooda isku dari doonaan.

Xulka kubadda cagta ee dalkeena Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay la ciyaareen dalka Burundi hayeeshe guusha ay raacday Burundi iyadoo kulanka galabta uu yahay mid dhibco raadin ah maadaama labada kooxood ee Galabta ciyaaraya horay looga adkaaday.

Ciyaartooyda xulka dalkeena Soomaaliya ayaa muujinaya niyadsami ku aadan inay ka guuleeysanayaan xulka dalka Suudaan ee galabta ay kulmi doonaan.

Lama oga cida ay guusha raaci doonto hayeeshe waxa la wada sugaaba waa ciyaarta ay fooda isdarayaan ciyaartooyda dalkeena Soomaaliya iyo kuwa Suudaan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.