Ha iga roorin ,Ha i raadsan & Nacas Yaa Jeclaan jiray!!+(Daawo)

Hees-(Rajonews) Heestii Caan baxday ee ha ”Iraadsan” ee uu Sameeyay Abwaanka Weeyn Xasan Ismaaciil Wedhsame oo ay Dadku siyaabo kala Duwan u macneeysteen,iyagoona sheegay in ay Jawaab u tahay Hees ay qaado Fannaanada Soomaaliyeed ee Xaawo Kiin Hees taasoo Magaceedu yahay ”Ha Iga roorin” ayuu Abwaan Wedhsame wuxuu sameeyay Hees kale oo Jawaab u ah Heestii hore ee ha Iraadsan ee uu isagu sameeyay.

 

Abwaan Weedhsame waa uu beeniyay in labbada heesood ee Ha iga roorin iyo ha iraadsan ay wax xiriir ah leeyihiin,isagoona Abwaanku sheegay in Heesta ha iraadsan aysan jawaab u aheeyn Heesta Xaawo kiin Qaado balse ay Dadku sidaa u Dhigeen iyagu.

 

haddaba waxaa dhowaan soo baxday Hees magaceedu yahay ”Nacas yaa Jeclaan Jiray” oo lasheegay in ay Jawaab u tahay Heestii ”ha i raadsan” ee uu horuu qaaday Fannaanka Da,da yar ee Mursal Muuse.

 

Heesta Cusub ayaa waxaa ku luuqayneeysa fannaanada Asma Love oo iyadu kamida fannaaniinta Dhalinyarada ah ee Taageerada Weeyn ku dhaxleh Bulshada Soomaalida Codkeeda ku qancisay Taageerayaasheeda faraha badan ee Daafaha Dunida ku kala sugan.

 

haddaba Qeeybtan hoose ka Daawo Seddexdii Heesood ee ”ha iraadsan, ha iga roorin,iyo nacas”

 

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.