Manchester United ayaa sii xajisatay hogaankeeda horyaalka Ingariiska

 

33 ilbiriqsi ma aysan socon ciyaarta markii Manchester United ay hogaanka qabatay, iyadoo shabaqa uu ku hubsaday kubada ciyaaryahan Robin van Persie. Goolka RVP uu dhaliyay ayaana ah goolka ugu dhaqsiyaha badan ee xilli ciyaareedkan la dhaliyay.

Goolkii Van Persie uu dhaliyay ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

United ayaana abuurtay fursado kale qeybtii labaad laakiin gool kale waa ay ku dari waayeen ciyaarta. Halka West Ham ay iyada lafteeda isku dayday inay ciyaarta ku soo laabato.

Natiijadan ayaa ka dhigeysa in United ay hogaanka horyaalka ku heyso 33 dhibcood, halka Manchester City ay iyadana leedahay 32 dhibcood ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Wigan Athletic ciyaar ka dhacday DW Stadium.

Qeybtii hore ee ciyaarta DW Stadium ayaa ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah, iyadoo Wigan ay dhamaadkii qeybtii hore ku dooday rigoore ka dib markii Zabaleta uu qalad ku galay Gomez.

Manchester City ayaa ciyaarteeda wax ka bedeshay qeybtii labaad, waxaana hogaanka u dhiibay daqiiqadii 70aad ciyaaryahan Mario Balotelli kaasoo kubad qatar ah dabamariyay goolhaye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.