Fannaanad Soomaaliyeed oo kacabaneeysa Magaceeda oo lagu Been Abuurtay.

Kabayare-(Rajonews) Fannaanada Caanka ah ee farxiya Cabdulle Kabayare ayaa waxay Been abuur ku tilmaamtay Xaflad lasheegay in lagu qabanayo Virgina ayna ka Heesi doonto Fannaanada Farxiya Kabayare oo Magaceeda lagu qoray Xayeeysiinta loosameeynayay Xafladan lasheegay in ay fannaanadu ka Heesi doonto.

 

fannaanada ayaa mar ay kahadlaysay Been Abuurkaan laga sameeyay iyadoo Magaceeda la Adeegsanayo ayeey waxay ugu baaqdan Dhamaanba Taageerayaasheeda ku nool Washinton in aysan kusoo lugo,in Xafladaa maadaama aysan iyadu war u heeyn cida xafladaa qabaneeysa.

 

”Anigoo ah farhiya kabayare halkan waxaan rabaa inaan la socodsiiyo soomalida ku nool washington dc gaar ahaan virginia,flyer kan aan soo share gareeyay oo magacayga ku qoranyahay waxaan arkay hadda saacadan la joogo,kamana war heyn goortii la sameeyay,marka waxaan u arkay ninka sameeyay hawshan in uu rabo inuu magacayga ku qaraabto si uu soomaalida fans kayga ah lacag uga sameeyo” ayeey Tiri Fannaanadu mar ay kahadlaysay Arintan foosha xun ee lagula kacay fannaanada.

 

Fannaanada ayaa Hadalkeeda sii raacisay “waxaa intaas ii dheer in aan waligay meel shisha ah aanan ka heesin kana heesi doonin,waana ceeb in qof magiciis la isticmaalo asagoon ogayn.please waxaan idinka codsanayaa in aad flyer kan iyo comment inaaad ii share garaysaan si walaalaheena soomaalida ee reer virginia ah ay u wada arkaan.thank u very much”

 

Maaha markii ugu horeeysay ee fannaan kamida Fannaaniinta Soomaaliyeed lagu Been abuurto iyadoona ay dheer jeer horuu dhacday in fannaaniin aan ka warheeyn Magacooda la Isticmaalay iyadoona ay Arintan Sameeynaya Dad Dano gaar ah kaleh Howlahan oo ah in ay Sumcada Fannaaniinta Hoos u dhigaan meelna uga dhacaan, halka qaarna ay doonayaan in ay Dhaqaalo ku raadsadaan iyagoona marwaliba been abuurka kasameeya Fannnaanka ay isleeyihiin wuxuu Bulshada dhexdeeda ku leeyahay Taageero badan.

 

Sawirka Xaflada ay Beenisay Fannaanada Farxiya Kabayare Qeeybtan hoose ka Eeg.

 

rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.