SHEEKADII FARAANTIGII PAARIIS :Q.4AAD, Sheekadii Xiisaha lahayd iyo mar kale.

Sheeko-(Rajonews) Axadii ayaa la gaaray waa uu labistay Javier waxaana la socday hooyadiis iyo aabihiis iyo wiilka saxiibkiisa ah ee Alexandre oo la dhashay Alice.
Gurigii ay joogtay Alice albaabkeeda ayay soo garaaceen waxaana nasiib wanaag ka furtay Alice aad ayuu ufarxay Javier inuu markale arkoAlice , soo dhawaada ayay ku tiri dhamaantiina .
Gurigii ayay gudaha usoo galeen   guriga Alice waa guri iska yar oo aan fadhi wanaagsan oolin laakiin si wanaagsan ayay usoo dhaweeyeen martidii u timid intaa kadib waxaa biloowday qaxwo cabidii , sheeko ayaa dhex martay labada reer sheekada inteeda badan waxaa sheekaynaayay ,Williem ayaa aad ugu dheeraaday ka sheekeenta xaaskiisa iyo nolashiisa.
Lakiin Javier intii uu sheekaynaayay abihiisa lama uusan socon waxaa uu ku mashquulsanaa   in uu aad indhihiisu uga buuxsado gabadha yare e Alice .
Javeir   maalinkaas waxa ay u ahayd maalin farxad badan    .waxaa la gaaray 7.00pm toddobadii fiidnimo odaygii reerka ee Williem ayaa ku yiri waan baxaynaa si aan iskugu diyaarino maalinka beri oo ah maalinka isniinta ah ee ugu horayso usbuuca si aad u aadaan iskuuladiina.
Javeir arirnka aabihiis uu ka dhawaajiyay ma uusan jeclaysan sababtoo ah waxa uu yiri aabbe aniga waan joogayaa oo beri iskuulka halkaan ayaan ka aadayaa oo dharkaygii iyo buugaagtaydii waan soo wada qaatay.
Welliem aad ayuu ula yaabay warka ka soo yeeray wiilkiisa yar laakiin ma uusan niyad jebinin   waa uu ka ogolaaday  sidii ayuuna uga tagay .
Williem iyo xaskiisa markii ay ku soo laabteen gurigooda ayay iswey diiyeen wiilkooda waxa helay labadoodaba ma aysan helin jawaab sax ah.
Javier isagoo lajooga reerka faqiirka ah ayaa waxaa lagaaray xiligii cashada lacuni lahaa reerkaan mahaystaan casho sidaa ubadan ama aad usarayso wiilkan waxaa uu kadhashay reer ladan oo waxaa cashada udiyarain jirtay shaqaalo ka shaqeeyo gurigooda  waxaa uu cuni jiray cuno aad iyo aad usarayso lakiin caawa sidaas ma ahan xaalka
Gabadhii reerka masaakiinta ayaa u keentay xabad Rooti iyo xabad ukun iyo koob Caano ah, waxay ku tiri casho badan ma haysano waxaa uu yiri cashadaan waa cashadii Qoraxdaii Farance oo casho ka wanaagsan maba jirto isagoo faraxsan ayuu cunay
Markii uu waagu baray ayaa waxaa u yimid Gaarigii uqaadi lahaa iskuulka, si uu tago iskuulkiisa Javier waa uu is diyaariyay waxaa uu aaday iskuulkiisa isagoo aad iyo aad ufaraxsan
Odayga dhalay  wiilka aad ayuu uga welwelsanaa xaaladda ku soo korartay wiilkiisa xiligii qadada ayuu ku sugay guriga si uu uwaraysto wiilkiisa waxa helay
Wiilkiisa Javier ayaa yimid isagoo faraxsan waxaa uu la kulmay aabihiisa oo fadhiya miiska qadada markii uu qadada cunay kadib ayuu weydiiday
Aabbe iiga waran xalay sidee ayuu ahaa jiifkaada iyo cunadaada xalay wiilkiisa ayaa ugu jawaabay aabe weli hurdo ka wanaagsan ma aan seexan cuno ka wanaagsana ma aan cunin intii aan noolaa abid.
Odaygii taajirka ayaa la yabaay sida wiilkisa uu ugu faraxsanaa cunadii iyo jiifkii uu ka soo helay reerka faqiirka ah
Mar kale ayuu su aalay aabbe sariir noocee ayaad ku seexatay waxaa uu yiri aabe xalay waxan ku seexday kursi yar dushiisa cashana waxaan cunay xabad Rooti ah iyo xabad Ukun ah iyo koob Caano ah
Odaygii ayaa yaab afka qabsaday oo yiri aabe intaa in ka badan oo ka macaan waa ku haystay gurigaada maalina sidaana uma farxin see wax ujiraan
Wiilkii ayaa ku yiri aabbe reerkaas masaakiinta ah cuntada wey yaqanaaa sida lo sameeyo odaygii ayaa ku yiri cunada gurigeena waxaa diyaariyo Rag qibarad uleh oo iskuul uga soo baxay oo ku taqasusay cuno karinta oo kaliya, waxaana soo iibasanaa cunooyinka qaaliga ah oo aysan iibsan Karin reerka faqiirka ah
Aabe sidaas mahaan   waa runtaa lakiin aabbe ma isweyiidsay waxa ALLA reerkaas siiyay ?Waxa uuyiri maya
Hadaba aan kuu sheegee dhagahaada fur
Aabbe reerkaas waxay haystaan Qoraxda FRANCE ama FARAANTIGII FRANCE
Odaygii ayaa yaabay oo yiri aabbe maxay tahay QORAXDA FRANCE?!
Lasoc qaybta 5aad haduu rabi idmo
W´.D H.A MOHAMED ADKEESTE

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.