Faroole oo u HANJABAY Wariyayaasha!

Puntland-(Rajonews) Dhacdadii Qordho ka dhacday ka dib iyo qaraxyadii lala beegsaday safarkii u Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ku aaday Baasaaso, ayuu ka dib la hadlay saxaafadda, isagoo aad uga caraysan sidii looga hadlay dhacdadii Qardho iyo Boosaaso.

Hadalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku soo aadaya xilli deegaanka Bari marayo marxalad kala guur ah, madaama uu gabaabsi yahay xilka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ay u harsan tahay dhawr bilood oo qura.

Waxaa xusid mudan in dhawaan socdaal uu ku tagay Xildhibaan C/wali Gaas deegaannada Bari, uu sheegay in deegaankaa aysan ku haysan wax xorriyad ha ahaato saxaafadda iyo guud ahaanba ururrada Bulshada.

Hadalkan dambe ee Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ka yeeray ayaa loo arkay inuu ka dhigan yahay HANJABAAD qayaxan, taa oo cabsi weyn ku abuurtay in badan oo ka mid ah Wariyayaasha ka hawlgala deegaankaa iyo guud ahaan Gobollada Koofureed ee Soomaaliya.

Cabsida Wariyayaasha waxaa keenaya, iyadoo deegaanka Bari ee Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ka arrimiyo ay ku jirto deegaannada cas ee Wariyayaal gaaraya 36 lagu dilay kuwana lagu dhaawacay kuwabadanah lagu xiray Amarka Faroole.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole dadka uu magacooda xusay waxaa ka mid ah, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Afuguud oo uu yiri: “…Ma jiraa qof shaqo siin lahaa Cabdirisaaq “Afguduud” oo kale? Gacanta ha taago qofkii shaqo siin lahaayoow…”.

Dhanka kale, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa wariyaayashii warka ka duubayey ku sheegay inay dhici karto inay iyagu yihiin kuwa xumaanta faafiya, iyagoo xoogaa lacaga qaata.

Ma ahan markii u horraysay ee Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole u hanjabo Idaacado iyo Wariyayaal, oo waxaa hore loo xiray Idaacado dhawr ah.

Hada kahor wuxuu ku Hanjabay “Beenta aad sheegtaan ogaada inaan ka idinkaga hareyn”

Halkan hoose ka dhagayso codka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

http://horseedmedia.net/2012/11/29/madaxweynaha-puntland-oo-ka-hadley-mudaaharaadki-qardho-ka-dhacay-dhegayso/

Arintaan Handadaada Cabdiraxmaan Faroole waxaa loo gudbiyay Amnesty International, Reporters Without Border iyo Xafiiska UN-ka ee Nairobi.

Ururka Saxaafadda ee NUSOJ ayaa soo jeediyay in lala socdo Falalka lala damacsanyhay Wariyaasha Soomaaliyeed.

Nasiibdaro, Magacayadeena ma sheegi karno Amnidaro Awgeed

9 Wariye oo ka Howlgala Puntland

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.