Kismaayo oo dadka lagu ugaarsanayo si sharci daraa (Xog-Hoose)

Kismaayo-(Rajonews) Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxaa xiliyadii u danbeeyay ka soconayay xadgudubyo loo gaysanayo shacabka ku nool magaalada kismaayo iyada oo dadka guryahooda loogu galayo isla markaana qaarkood laga kaxaysanayo halka kuwo kale hantidooda la dhacayo, waxayna si weyn dadku uga cabanayaan ciidamo si qaas ah magaalada uga ugaarsanayo.

Inkabadan 9o Ruux ayaa si sharci daraa ugu xiran meelo ka mid ah magaalada Kismaayo kuwaas oo loo soo xirtay siyaabo sharci aan ahayn  waxaana sida warar hoose aanu ku helayno ay sheegayaan in dadka la xirxiray qaarkood la sii dayay maalinimadii shalay kadib markii Odayaasha dhaqanku ay si cad ula hadleen qaar ka mid ah madaxda Maleeshiyaadka hubaysan ee dadka iska xiraya oo ay odayaasha iyo waxgaradku ugudbiyeen in arimahan ay dhalin karaan in dadku ay u arkaan in uu jiro qorshe Ugaarsi gaara ah hadii aan la joojin dadka bilaa micnaha loo xirayo.

“Waxaa soo badanaya hanjabaadaha dadka loo gaysanayo iyada oo loogu tagayo Guryaha, Goobaha ganacsiga iyo meelaha lagu kulmo, waana arin dadka ku abuurtay wal wal iyo shaki xili inta badan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo ka caraysanyihiin Ciidamo hubaysan oo aad ubadan kuwaa soo magaalada lagu sii daayay isla markaana qal qal ku haya dadka” sidaa waxaa yiri C/laahi Ayuub oo ka mid ah dadk ku nool magaalada Kismaayo.

Asbuucii la soo dhaafay ayaa si ula kac ah loo rasaaseeya Haween ku sugnaa goob ganacsi kuwaas oo 6 ka mid ah ay la il daranyihiin dhaawacyo ka soo gaaray fal ay manaxayaal ka gaysteen gudaha Kismaayo.

Mudo hal bil gudaheed ah ayaa Kismaayo lagu dilay inkabadan 15 Ruux oo si sharci daraa loogu dlay gudaha Kismaayo mana jirin cid loo soo qabtay dhacdooyinkaasi. 

Kismaayo waxaa iminka ay dadku ka wal wasanyihiin xaaladaamaan xumo ee ku ii kordhaysa xili dadku ka rajo qabeen isbadal iyo horumar balse iminka xaaladu waxa ay u muuqanaysaa in ay la miisaan noqonaysaa fowadadii xiliyo hore Kimaayo soo martay.

Rajonews kala soco wixii sookordha oo xaqiiqada ku salaysan.

Rajonews.com

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.