Maxay Kenya ku diiday in ay la kulanto Madaxweynaha Soomaaliya (Xog iyo Xaqiiq)

Nairobi-(Rajonews) Kadib markii uu madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka dibadiisa ugu anbabaxay socdaal uu ku soo kala bixinaay dalalka jaarkaa sida, Jabuuti, Ethopia iyo Kenya, ayaa waxaa socdaalkiisa uu ka bilaabay dalka Jabuuti oo ay madaxweynaha dalkaasi ka wada hadleen qadiyada Soomaaliya iyo siyaasadaha cul culus ee ku hor gudban madaxweyne Xasan sheekh, sida Amniga, xoojinta siyaasada Gudaha iyo dibada, qaadista talaabooyinka siyaasigaa ee ku wajahan gudaha dalka sida qadiyada Jubbooyinka oo noqotay mid madaxweynaha Karaamadisa wax u dhimi doonta hadii hadaladii uu horay u yiri waxba laga soo qaadi waayo.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Omar Geele ayaa sida ay xog hoose nagu soo gaarayso waxaa uu ku booriyay madaxweyne Xasan in uu Mowqif adag ka qaato arimaha Jubbooyinka isla markaana uu kala hadlo dowladaha Kenya iyo Ethopia oo ay ciidamadoodu ku suganyihiin in ay dowlada Soomaaliya uga danbeeyaan arimaha maamul samaynta ayna ku ekadaan arimahooda ciidan iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Ka hor inta uusan Muqdisho ka dhoofin madaxweynuhu waxa uu dalka kenya u diray Wasiirka arimaha dibada Marwo Fowziya Xaaji iyo wafdi ay horkcayso si ay u sii gogol xaadhaan socdaalka uu madaxweynuhu ku tagi doono Kenya, waxayna kulan la qaadatay raysulwasaaraha Kenya Rail odinga  iyo xubno kale, iyada oo kulamo aad u adag la isla qaaday waxaa ay dowlada Kenya u sheegtay Fowziya in aysan Kenya kulan la qaadan doonin madaxweynaha Soomaaliya xiligan  ilaa iyo Go’aan danbe. sidaa darteedna ay madaxweynaha u sheegto in uusan ku soo hungoobin Kenya.

Wasiirada Arimaha dibada ee Soomaaliya Fowziya iyo wafdigeedii ayaa si dag dag ah u tagay magaalada Adi-Ababa oo uu xiligaasi madaxweynuhu ku sugnaa waxayna madaxweynah u shaxaraxeen wixii ay la soo kulmeen, taasoo ku qasabtay madaxweynaha in uu dalka Soomaaliya dib ugu laabto.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah  maaxay tahay sababta Kenya u diiday kulanka madaxweynaha?  Ilo wareedyo la hubo ayaa noo xaqiijiyay in Kenya ay wado qorshe ay ku xoojinayso siyaasadii ay ka lahayd gobolada Jubbooyinka oo ay mar walba ku adkaysanayso in aysan jirin dowlad ay kaga danbayso balse ay jiraan dad ay adeegsanayso, waxayna dowlada Kenya Hoosta ka riixaysaa dadajinta Maamul la sheegay in laga dhisayo Kismaayo kaas oo qaban qaabadiisu ka socoto magaalada Kismaayo iyo Nairobi.

Kadib marka lagu dhawaaqo maamulkan ay Kenya gadaal ka riixayso ayaa laga yabaa in ay madxweynaha kula gor gortamaan waxa ay gacanta ku hayaan oo ah maamul iyo dhul ay awood ku haysato Kenya.

Waxaa ila wareedyadan ay cadeeyeen suurogalnimada in madaxweynaha loo yeero kadib marka maamulka lagu dhawaaqo si loogala hadlo go’aamada iyo halka uu ka taaganyahay qadiyada Jubbooyinka.

Kenya waxa ay heshiis la gashay siyaasiyiin Soomaali ah oo kuabtirsada Jubbooyinka iyo kuwo ku hadla afka soomaaliga balse dhalashada kenya haysta oo ay ka dalbatay ogolaanshaha in kenya ceelal shidaal ay ka qodato Jubbada Hoose iyada oo kaashanaysa shirkadi bixiyay qarashaad aad u badan oo arimahan ka faa’iidaysan doona.

Madaxweyne Xasan waxaa hubaal ah in uu xog walba oo ay Kenyo magaantahay uu la socdo, waase arin u bahan siyaasad iyo caqli saliim ah oo shaqeeya shacabkana ka bad baadiya dagaal Ahli ah iyo mid caalami ah intaba.

hadaba aqristoow sidee kula muuqtaa arintaan fikirkaaga noogu soo hagaaji

Rajonews3@gmail.com am Hoos ku qor aragtidaad.

 

11 comments on “Maxay Kenya ku diiday in ay la kulanto Madaxweynaha Soomaaliya (Xog iyo Xaqiiq)

  1. Asc Salaan kadib wey muuqataa hadafka Keynya
    weynacadeysatay in aay xoog kulawareegtay Jubooyinka Markaa waxaa u soojeedinayaa shacabka Soomaaliyeed in hubka laqaato oo dagaal laseysku diyaariyo si keynya dalka loogasaaro.

  2. waxay ilatahay in aay fishilantay dowlada xasana uu bilaabay cabdul qasimna kula taliye wasiirka arimaha gudahana dhameestiray
    se waxaan su,aalayaa umada somaliyeed
    kismaayo keliye miyuu madaxweyne uyahay xasan mase somaliya oo dhan
    mida kale wufuuda raacday maxaa hawiye un ka dhigay iyo raxanweyn awaye daroodki
    (hashu waay irmaantahay hadana cidi mahaneedo waa haloo gaaf habeed badan hadana canaa hibiqleh )ilaaw guuldara xasan aan u noolado )

  3. Madaxweynaha waxaa loo bahanyahay in uu kasbado shacabka jubooyinka isla markaana uu joojiyo dabiicada hostile-ka ah iyo tone-ka khalafsan ee uu isticmaalayo.Kenya waxay dooneysa in ay islaheysiiso dhul Somaaliyeed waxaa arintaas tageero ku siinaya shirkado shidaal oo laga leeyahay qaar ka tirsan wadamada reer galbeedka haba ugu cadaate StatOil oo laga leeyahay Norway, taas oo isticmaaleyso dowlada Kenya iyo Xubno ka tirsan Barlamaanka Federalka somaliya si ay u hesho damaceeda ah in ay qodo ceelka shidaal ee L26 kaas oo kuyaal dhulka muranku ka taaganyahay ee Xuduuda badda. waxaas oo dhan aniga aragtideyda waxaa looga sama kori kara in madaxweynuhu joojiyo siyaasada nin jecleeysiga ah ee uu isticmaalay intii ay taagneyd arinta jubooyinka isla markaana istaago mowqif wanaagsan, walaalaha jubooyinka waxaan iyagana ugu yeeraya in ay dejiyaan xaalada oo aysan damaca dowlada Kenya ka dooran midnimada shacabka isla markaana ay fiira u yeeshaan shirqoolada loo maleegayo umada somaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa jubooyinka

    • oyow waxaan ku leeyahay qalbiga ayaad ka jiran tahay waxaa lagu weeydiiyey aragtidada ku aadan xadgudubka Kenya markaas ayaad qabiil ka hadleeysaa Soo wasiirka maaliyadu maaha Daaroodka aad leedahay ma raacin madaxweynaha. Shalay Amaxaaraad soo ciidansateen si aad Soomaaliya ugu wareejisaan maantana waa kuukuuya
      Allaha idin Caafiyo waxaansae ku kalsoonahay inaadan Darood oo dhan Matalina oo aay dadbadan wadaniyiin ah diintoodana ku dhaqmaayaahi ka buuxaan

  4. Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuh soomaaluiyeey dhamaantiin waa idin wada slaamayaa salaan kadib run ahaantii maanta waa wax laga xumaado run ahaantii inay na hunguriyeyso kenya laakiin dhib ma lahan insha alaah maalin unbaa ka bixi doonaa waxaan soo xusuutay maansadii abwaan gaariye alah u naxariistee (dharaar baa imaan doonta iyadoo is wada weyday oodo loo rogi doono dharaar baa imaan doonta imaaraadka sioodiyo ninba aag ku go’doomo waxaan xog ogaaloo hir fog baan arkayaa horna waan maqlayaa waxna wey uruayaan ilaahay balankii ibtilaa dhici doonta)maantana weyna haysataa ibtiladii ilaahayse ha inaga bixiyo,waxaan kusoo gabogabeynayaa kenya oo ina qabsata waxaa inoo dhaanta alshabaab oo ina qashqasha iyagaa muwaadiniin ah.
    Aniga waxaan diyaar u ahay inaan wadankayga wax walboo igala gudboon aan u qabto.

  5. kenya namaqabsan karto dadka ku fagarayan waa fagar qaldan madaxwenynah maxaa dabadhigay jubbaland kaliyah meesha waxabaa ku jira

  6. ASALAAMU CALAYKUM.

    SALAAN KADIB HADAAN KAHADLO FAKIRKAYGA WAXAY ILA TAHAY HALOO DAAYO WUXUU MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA KA YIRAAHDO GUUL AMA GEERI..

    ANAGANA AAN KU GARAB ISTAAGNO TALADA UU SOO JEEDIYO …. WABILAAHI TAWFIIQ….

  7. Waxaad shegeysid waa waax anan macqul gal eheyn, kenya celal shidal oo aad uu badan aya lagaheley, somalia mesha shidalka lagu shegey waa gobolka nugal, jubba hose wali shidal lagamabari, dadkad shegeysid oo eey kenya adeeg saneyso waa ogaden juboyinka ciid oga badan maleeh duul iyo dad ba, degmoyinka juboyinka ayaga ayaa leeh, somalia marki anu kasoqaxney walalheyn ayaa naqabiiley oo manta somali oo dhan eey daganyihin kenya macal madaxweynaha somalia xaaskisa iyo carurtisa, ganacsi waaxbarasho iyo cafimaad ayey kenya nasisey tasi oo aan duulkeni hoyo aanu kawayney, manta miyey kulagudbontahay inaad kenya hadalo been oo meel eey nan kusaleysnen anan jirin kashegtit? Cidamada kenya amnigoda iyo amniga dariskoda ayey al shabab ogu duleen ee fikrad qaas majirto, waa iga talo ee dabkad lawaregeysid iska daa waayo qof guri buul ah kujiro majiree. Wabilahi towfiq.
    Sent from my Nokia phone

  8. Kenya iyo jawaawiista u adaygasa shacabka soomaaliyeed waa in ay ka hortagaa oo iska difaacaan maxaa dhahay waa dad aan dalkaiyo dadka dan uhayn hala iska cesho duliga.

  9. WALEE WALAYAAB HAWIYE HUTU WAX AY LARABAAN BEESHAN DAROOD MAJIRO. BESHUNA WAA INEY HURDADA KA KACAAN OO AY MAQLAAN WAXA DULDULAYA EE SOCDA. MA DHULKAAD NOO DIDAN TIHIIN OO GEBI AHAAN. WAA LAYAAB,KISMAYO WAA MULTICULTURAL CITY. FOR EXAMPLE ME MY MOTHER IS 70 YRS OLD BORN AND RISE KISMAYO. ALL MY SIBLING BORN AND RISE KISMAYO. IAM LILKASE DAROOD. WHO KNOW CAN TELL ME, I DON’T BELONG KISMAYO. DADKA NALA DAGO WAA NALA NOOLAN KARAAN WELCOME LAKIIN JUBALAND WAA LADHISI WEY HANA QADI XASAN XOOLO NOOLNA AFKA XABADA LAGA GELIN HADUU XAQEENA ISKU DAYO INUU NADAFIRO YEELI MEYNO, DIIDNEY XAD BURSI HAWIYE.

  10. Kismaayo iyo taaka dhul ah oo Soomaaliya leedahay Kenya ma qaadan karto Insha Allahu laakiin taasi waxeey u baahantahay ineey Umadda Soomaaliyeed denteeda u midoowdo, Dowladuna ay si diiran uga fiirsato talaabada ay qaadeeyso, midda kale dowladu weli waa cusubtahay ha cagadhigato aan waxyar ka warsugno. tan ah Alshabaab waa muwaadiniin Alshabaab muwaadiniin ma aha ee waa dabdhilif Qaaicido oo CIE aay ku adeegato si Soomaaliya dagaalka loogu sii dheereeyo
    Jubbooyinka iyo Soomaaliyoo dhanba waa barwaaqo waana cidlo Soomaaliyoo dhan waa qaxooti Soomaali ha soo nqoto dhulku waa nadeeqaaye Sheeydaanka aan iska naarno qabyaaladda uun yaan la tiigsaninee Kismaayo waa lawad degenyahay qabiil Soomaaliya oo aan degeneeyn ma jiro Reer Kismaayo ahaadee iska daaya reer heblkaan aad caabudeeysaan.
    Ilaaheey wadankeena ha noo xafido asagaa awood lehee.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.