Wasiirka arimaha gudaha oo ka hadlay dagaal xoogan oo ka dhacay Gobalka Galgaduud

Muqdisho(rajonews)Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay dagaalo xogan oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud halkaasi oo ku dagaalameen labo beelo oo walaalo ah.

C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka ayaa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay beelaha halkaasi ku dagaalamay ee dhiigooda daatay isalamarkaana uu ugu baaqayo in si bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka labadaasi beelood udhaxeeya

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka ayaa sidoo kale sheegay in dhinacyada halkaasi ku dagaalamay Dowladda Soomaaliya ay ufidinayso dadaalo nabadeed islamarkaana Magaalada Muqdisho uu dhigayo gogol ay isugu imaanayaan labada dhinac ee halkaasi ku dagaalama.

Wasiiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in hadafka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ay tahay dib uheshiisiin dhexmarta beelaha Soomaaliyeed.

Wasiiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in hadafka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ay tahay dib uheshiisiin dhexmarta beelaha Soomaaliyeed.

Shalay ayeey aheyd markii beelo walaalo ah oo wada daga deegaano ka tirsan Gobalka Galgadud ay halkaasi ku dagaalameen isalmarkaana khasaaro kala duwan u kasoo gaaray.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.