Wasiirka arimaha gudaha oo wadada loo galay xilli uu kusii jeeday Marka

Muqdisho(rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi wadada loogu galay wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa xilliga wadada lo galaye waxa ay ku socdaalyeen meel ku dhaw Magaalada MArka gaar ahaan halka lagu magacaabo Buufoow oo inta badan Shabab ay kasoo baxaan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasada ee Gobalka Shabeelah hoose C/salaan Macalin Cabdulle oo la hadlay warbaahuinta ayaa wuxuu sheegay inuu jiro weerarkaasi hayeeshe aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Wuxuu sheegay in koxo yar ay soo rideen rasaas yar yar sida uu sheegay Ciidamada Dowladda Soomaliyana ay halkaasi ka eryeen.

Dhawaan ayeey aheyd markii deegaanka Buufoow meel ku dhaw Al_Shabaab ay ugaleen Abaandulaha ciidamada xooga dalka Somaaliyeed Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan xilli uu halkaasi ku socdaalaye.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.