Wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti iyo wafdi uu horkacaayo oo Beladweyne gaaray

Muqdisho(rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen wafuud kala duwan oo ka socota dalka jabuuti.

Wafdiga gaaray Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi ayaa waxaa horkacaya wasiirka difaaca dalka Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil, taliyaha hay’adda nabad sugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi ayaa waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga masuuliyiinta Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada ka socda jabuuti ee halkaasi ku sugan.

Ilaa hada si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysa booqasha Wafdiga ka socda Dowlada Jabuuti ee maanta gaaray Magaalada Beladweyne ee Gobalkaasi Hiiraan.

Deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada B/weyne ayaa loo galbiyay Wafdiga ka socda Dowladda Jabuuti halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Jabuuti ee ka scoda Dowladda Jabuuti.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.