5 Beenood oo Haweenku Inta Badan ku Mededaaliyaan Ragga Jecel (Sir loo soo helay Raga wax Jecel )

Qormo-(Rajonews) Dumarka ayaa badana sheega kalmado aanay u arag inay been yihiin, balse shucuurtoodu ka keento, taasoo badana lagu tilmaamo dumarku inay xagga jacaylka u khiyaamo badan yihiin, balse waxa beenaha qaar u galaan siday u badbaadin lahayd xidhiidhkay saygeeda la leedahay amma qofka jecel iyada ee aanay doonayn inay runta u sheegto si aannu uga tegin.

Beenahay sheegaan haweenku waxa ka mid ah lixdan kalmadood ee soo socda;

1. Kuma Xiiseeyo

Dumarku qofkay jeceshahay ee ay ka cadhaysan tahay waxay aamintan tahay inay iska adkayso, sidaa darteedna waxay inta badan ku tidhaa kalmado ay ka muuqdaan inaanay wax dan ah ka lahayn si ay u soo jiidato, waxaanay badana si dheel dheel ah ugu tidha ninyaw imaad cajibin, waana kalmado ka mid ah beenaha ragga jecel ay u sheegaan haweenku.

2. Aad baa u qurux badan tahay

Haddii aad dhab ahaantii ninaw qurux badan tahay, dumarku sidaas kuuma sheegayaan, balse waxay ku tusaysa inay iyadu qurux badan tahay, laakiin haddii ay kugu tidha kalmadan, waxa arrin aan runi ku jirin oo ay kugu dheel dheelayso, waxna kuu qarinayso amma ka damacsan tahay waxyaabo khaas ah.

3. Daacadnimadaadan qaadanaya

Kalmadan waxay haweenku meesha keenaan markay ragga weydiiyaan su?aalo ay ka mid tahay; sideen kuula eegahay, ma qurux badanahay, miyaan buuranahay?

Waana dabin ay wax ku ogadaan, haddii aad u jawaabto iyo haddii aad ka aamustaba waa kalmado beena oo ay wax ku badhaan, runta waa inaanay daacadnimadaada qaadanayn, saabtoo ah haddii aad in yar oo beena u sheegto si fudud bay kuu qabanaysa, waanad kashifmaysa.

4. Hinaasiyad ama maseerey ma ahi

Waxa laga yaba dhab ahaantii inay tahay gabadh aad u u maserr ama hinaaso badan , kana xanaaqda markaad eegto qayrkeed amma aad saaxiibada in badan waqtiga la qaadato, mararka qaarna hinaasuhu waxaaba la yidha xidhiidhka wuu adkeeya haddii sida uu yahay loo qaato, halka waqtiyada qaarna uu cadow ku yahay jacaylka, balse haddii gabadhu kuu sheegato inaanay hinaasiyad ahayn, waxa ku duugan inay aad u hinaasiyad tahay, sababtoo ah dumarku ma jecla in la ogaado xadiga hinaasahoodu gaadhsiisan yahay.

5. Waligay qof kula barbardhigi maayo

Waa kalmadaha ugu badan ee haweenku sayadooda ku mededaaliyaan amma qofka xidhiidhka jacayl ka dhaxeeyo, sidaa darteed, waxa hubaal ah haddii xidhiidhkiinu dhammaado inay qof kale nolosha la qaadanayso, waana arrin dhacda oo xaqiiq ah, balse kalmadan waa miday jacaylka ku xoojiyaan, runa ka ah markay kula joogaan, balse xagga dambe ka burta.

Ibrahim Khadar Siciid 

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.