Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerhoosaadka Baarlamaanka

Muqdisho(Rajonews)Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen xeer hoosaadka Baarlamaanka uu ku shaqeynayo.

Ilaa iyo 11-cutub oo uu ka kooban yahay xeerhoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cutub cutub loogu ansixiyay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo fadhiga Baarlamaanka uu kusoo idlaaday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Xeerhoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya la ansixiyay islamarkaana maanta laga bilaabo uu yahay ansax.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadyo badan kasoo dooday ansixinta xeerhoosaadka Baarlamaanka uu ku shaqeynayo waxaana fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya soo xaadiray 188-Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu noqonayaa mid ay ku shaqeeynayaan Baarlamaanka Soomaaliya sanadaha soo socda.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.