Dibadbax lagu taageerayo hadalkii Madaxweynaha oo ka socda Muqdisho

Muqdisho(Rajonews)Dibadbaxa oo ah mid ballaaran ayaa wuxuu ka soconayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya  waxaana soo qaban qaabiyeen maamulka Gobalka Banaadir kaasi oo lagu soo dhaweynayo hadalka Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo socdaal ku tagaya Stadio Conis ee Degmada C/casiis ee Gobalka Banaadir halkaasi oo ay isugu tagayaan banaanbaxayaasha.

Dadka dhigaya banaanbaxa ayaa waxa ay muujinayaan dareen farxadeed oo ku aadan hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya kasoo baxay Xasan Sheekh Maxamud ee ahaa in guud ahaan la qaado isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa laguwadaa in shacabka ay kula hadlaan Stadio Conis iyadoo lasoo sheegayo in madax kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay ka qeybgalayaan Banaanbaxaasi.

25-Bishii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar cad ku bixiyay in la qaado guud ahaan isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho.

17-ka Degmo ee Gobalka Banaadir guud ahaan waxaa laga qaaday isbaarooyinka yaalay halkaasi iyadoo isbaaradii ugu weyneyd shalay laga qaaday Isgooska Ex-control ee duleedka dhanka koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Rajonews3@gmial.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.