Kulan looga hadlayo ammaanka G/Sh/Hoose oo wasiirka arimaha gudaha la qaatay Maamulka Gobalkaasi

Muqdisho(rajonews)Kulanka oo ahaa mid adag ayaa masuuliyiinta maamulka Gobalkaasi Shabeelaha Hoose iyo wasiirka arimaha gudaha iyo saraakiil ciidan waxa ay ka wada hadleen dhanka ammaanka sidii loo xaqiijin lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Axmed Cumar Mudane oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in kulanka uu ahaa mid intiisa badan looga hadlaye dhanka ammaanka Gobalkaasi iyo sidii Gobalka looga hirgelin lahaa Garsoorka iyo cadaalada.

Wuxuu sheegay in wasiirka arimaha gudaha ay isla garteen in ciidamo Booliis ah iyo kuwa Nabadsugid ah la geeyo Magaalada Marka ee xarunta Gobalkaasi iyo deeganada kale ee Dowladda ay ka joogto Gobalka Shabeelaha Hoose.

“Wasiirka wuxuu nagula dardaarmay sugidda dhanka amaanka ee Gobalka anagana waan ka aqbalnay marka ciidan Nabadsugid iyo Booliis ah ayaa la geynayaa”Ayuu yiri Axmed Mudane.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay qorsheynayaan inay weerar ku qaadaan goobaha ay kaga sugan yihiin Shabaab Shabeelaha Hoose.

Kulanka wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka uu Magaalada Marka kula qaatay maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose wuxuu kusoo aadayaa iyadoo shalay Magaaladaasi ay gaareen wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.