Maxaabiis Shabaab ah oo ka baxsaday Xabsiga Magaalada Baydhabo

Muqdisho(Rajonews)Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in maxaabiis badan ay ka baxsadeen xabsiga magaalada Baydhabo, kuwaas oo qaarkood ay ku xukunnaayeen in ka badan 10-sano oo xarig ah, halka kuwo qaarna ay ku xukunaayeen dil toogasho.

Sida warku sheegayo maxaabiistan xabsiga ka baxsatay ayaa u badnaa dagaalyahanada ciidamada Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood uu horay u xukumay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida G/sare Mungaab, waxaana la sheegay in maxaabiista baxsatay qaarkood la soo qabtay.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in maxaabiista baxsatay ay tiro ahaan gaarayaan 7-maxaabiis, waxaana la sheegay inay ka soo baxayaan baxsigooda warar kala duwan, waxayna wararka qaar ay sheegayaan inay si xoog ah ku jabsadeen xabsiga, halka warar kale ay sheegayaan in qaar ka mid ah askartii ilaalada ka aheyd xabsiga ay howsha iyaga fududeeyeen, sidaasina ay ku baxsadeen maxaabiista.

Sida warku sheegayo rasaas xoogan ayaa ka dhacday agagaarka xabsiga markii ay maxaabiistu maxsanayeen, taas oo aan la ogeyn inay tahay weerar lagu soo qaaday xabsiga oo lagu deynayey maxaabiista iyo inay tahay mid looga hortagayey maxaabiista baxsaneysay, isla markaasna lagu cabsigelinayey maxaabiista, lamana sheegin in rasaastaasi ay cid wax ku noqotay iyo in kale.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.