Qurbaha-(Nin iyo Xaas-kii Garamaya (Mirqaan & Shiishad)+(Sawirro)

London-(Rajonews) Qoyska Soomaalida ee ku Nool Qurbaha gaar ahaan Dalalka Galbeedka ayaa waxay ku noolyihiin nolol kudhisan isfaham waa, kala irdhayn, iyo Caruur Dhaqan iyo Diinba badalay oo Waalidiinta dhalayba ay iyaga ka amar qaataan.

Aabaha Soomaaliyeed ee Dibad jooga ah waakan ugu dhibaatada iyo nolol Xumada badan asigu, Bacmadoow mar bannaanka loodhigo, mar 911 loogu goodiyo, mar waa Argagaxiso (waa haddii uu mid labbaad la Guursado), mar waa Guriga joog oo Caruurta haa, mar waa Islaan Xaas ah oo Shaqo aan lagaran u baxda saqdhaxe Habeenkiina timaada Guriga.

Amiramahaas oo dhan ayaa waxa ay dhaxashiisay Raga Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo nafsad ahaantoodu Xarumaha Marfish-ka Qaadka, iyo Maqaaxiyadaha laga shaaheeyo ku kulma oo inta badan Dibad joog ka ahaada Guryahooda,warna aan u hayn caruur iyo Ehel toona waxa ay kusugan-yihiin.

Haweenku waa Asaaska Nolosha,waana kuwa isku Xira Qooys-ka haddii ay ahaan lahaayd, Oday, caruur, Qaraabo iyo Xidid-ba,balse halka Maanta dhibku ka taaganyahay baa ah in Dumarkii Soomaalida ee Qurbuhu ay noqdan badankoodu kuwo Qoys-ka kala geelaya ,oo Caruur-ta Xarun xannaano ku Xareeya, Oday-gana iska Erya si ay Fursad ugu hesho Shiishada,sidookalena Waqti ay ugu hesho asxaabteeda lamidka ah ee ay Dabeecad iyo dhaqanba wadaagaan.

Qoysasku waa Kuwo Xumaanta isku fahansan Buuqoodana Maxkamad iyo Qolo wax Caawisa intuba aysan ka joogi weeyn balse Caruur-tooda laga dareemo iyadoona Yadac,Rafaad baahsani soo wajaho caruur-ta, halka qolada kale ay yihiin Dad aan isku fahansaneeyn Xumaanta ee Dabku uu hal dhinac kashidmayo “Islaanta ama Odayga”,iyadoona tani ay tahay tan ugu xun ee Sababta u noqota Burburka Qoyska, Dayac-naanta Caruurta iyo Nolol Rafaad iyo is qabqabsi ku dhisan.

 

haddaba Qeybta Hoose ka Daawo Sawir Muujinaya Nin iyo Xaas-kii isu gar dhiganay iyadoona midba midkale uu u sheegayo Howla uu dayacay ee uu kasoo bixiwaayay.


rajonews3@gmail.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.