Sarkaal ka tirsan Shabaab oo dagaal ka dhacay Gobalka Baay lagu dilay

Muqdisho(rajonews)Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay Gobolkaasi lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Gobolka Bay ee Dowlada Soomaaliya C/fitaax Geeseey Dagaal xoogan ayaa ka dhaacay Gobolka Bay, kaasoo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Alshabaab, isagoo Gudoomiyaha Hadalkiisa sii raaciyay inay dileen Afar Dagaalyahan oo uu ku jiro sarkaal sare oo alshabaab u qaabilsan Bay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay ciidamada Dowlada dileen Maxamed Xaaji, wuxuuna Gudoomiyaha qiray in ninkan uu yaqaanay horeyna uga tirsanaa Saraakiisha Dowlada , balse hada ku biiray Xoogaga Alshabaab.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu dhankooda khasaaro aan badneen soo gaaray, waxaana jira dhaawac, inkastoo aysan sheegin saraakiisha Dowlada ee Gobolkaasi.

Alshabaab wali kama hadlin dilka ay Dowlada sheegtay inay u geysatay Maxamed Xaaji oo ka tirsan Alshabaab, waxaana laga dhowr sugayaa inay war ka soo saaraan.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.