Wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha oo marlabaad wadada loo galay

Muqdisho(rajonews)Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kooxo hubaysan markale waxa ay ugalen wadada.

Ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab aya lasoo warinayaa inay ugaleen wadada kadib markii uu wasiirka iyo wafdigiisa ay kasoo ambabaxeen Magaalada Marka kuna soo jeedeen Magaalada Muqdishio.

Sida uu warbaahinta usheegay Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ciidamo ka tisran Shabaab ayaa weeraray wafdiga wasiirka kuwaasi oo kasoo baxay meel ku dhaw deegaanka Shalaambood ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in dhibaatada ay ku bilaabatay markii gaari uu leeyahay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed generaal Sharoof Sheekuna Maya qarax xoogan lala eegtay kadibna halkaasi ay isbqasadeen dhimbilo cas cas.

Wafdiga Wasiirka ayaa la sheegay in ammaankooda uu qalqalgalay islamarkaana ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sameeyeen iska caabin xoogan oo ku aadan difaacida masuuliyiinta.

Waa markii labaad oo wafdi ay hogaaminayaan taangiyo AMISOM ah ciidanka Shabaab ay wadad ugalaan.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.