Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo ku hooyday Magaalada Marka

Muqdisho(Rajonews)Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose waxaa xalay ku hooyday wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya kuwaasi oo shalay socdaal ku tagay Magaaladaasi.

Wasiirada xalay ku hooyday Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa kamid ah wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa socdaalka wafdiga ku wehliya oo xalay Magaalada Marka kula hoyday sidoo kalena waxaa kamid ah masuuliyiinta Marka ku sugan saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidanka Dowladda.

Ujeedka socdaalka wafdigaasi ayaa lagu sheegay inay xalinayaan arimo ka taagan Magaalada Marka iyo is qabqabsi ka dhaxeeya ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa si aad ah loo adkeeyay halkaasi oo ay si wadajir ah usugayaan ammaanka ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.