Xasuuqii 03 Dec, 2009-kii Ka Dhacay Hotel Shamow! + Dhagayso

Xasuus-(Rajonews) Maanta oo kale, 03 Dec, 2009-kii Maalin Murugo Badan, waxaa hotel Shamow oo ku yaalla magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo lagu dilay arday, dhaqaatiir iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyadda qaraxaas aysan jirid cid sheegatay.

Qaraxaas, oo uu fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimid dalk Denmark oo xiriir la leh kooxaha hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30-qof oo ay ku jiraan4 wasiir oo ka tirsan xukuumaddii KMG ee Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

 

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Wasiiradii ku dhintay qaraxaasi:-

1-Wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen

2-Wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow

3-Wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali

4-Wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble

Dhaqaatiirtii Ku Dhimatay Qaraxaasi

1-Madaxii Hormuudkii Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid)

2-Kudhwaad tobaneeye Dhaqaatiir cusub

Wariyaashii Ku Dhintay Qaraxaasi

1-Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle

2-Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii telefishinka Al-Carabiya

X- Horyaalmedia

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.