AMISOM oo madaafiic ku garaacday deegaano ka tirsan G/Sh/hoose

Muqdisho(Rajonews)Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xalay waxa ay madaafiic xoogan ku garaaceen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo lasoo sheegayo inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Madaafiicda nooca Soomaalida ay u taqaan fooriyaha ayaa ciidamada AMISOM waxa ay ka tuureen halka loo yaqaan buundo carbiska halkaasi oo ay fariisin milateri oo xoogan AMISOM ay ku leeyihiin.

Deegaanka la duqeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhanaane halkaasi oo ay ku sugan yihiin sida wararku sheegayaan xoogaga Shabaab islamarkaana khasaaro kala duwan uu soo gaaray dadka shacabka ah ee ku sugnaa Deegaankaasi.

Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin khasaaraha kasoo gaaray dadka shacabka ah duqeyntaasi ayaa hadana wararku sheegayaan inuu jiro khasaaro shacabka soo gaaray,iyadoo xalay baqdin ay ku hooydeen dadka.

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya inay maqlayeen dhawaqa madaafiic xoogan oo ku dhacaya deegano ka tirsan Gobalkaasi,inkastoo ay sheegeen inaysan si toos ah u garan karin halka hoobiyeyaasha ay ku dhaceen.

Masuuliyiinta Dowladda ee Gobalka Shabeelaha Hoose kama aysan hadlin arintani hayeeshe,waxa ay noqonaysaa markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM ay si bareer ah uduqeeyaan deegaano ka tirsan Gobalkaasi oo la sheegay inay Shabaab ku sugan yihiin.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.