Deg Deg: Taliyaha ciidamada taraafikada oo la dhaawacay

Muqdisho(rajonews)Taliyaha ilaalada wadooyinka ee Dowladda Cali Xersi Barre Cali Gaab ayaa la sheegay in maanta askari ka tirsan Dowladda uu fal dhaawac ah ugeestay.

Cali Gaab ayaa la sheegay in xilliga falka dhaawaca ah uu soo gaaraye askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ay isugula dhageyn qori kadibna sidaasi xabad ay lugta kaga dhacday.

Wararka ayaa sheegaya in falkani uu ka dhacay halka loo yaqaan Vinta una October oo ka tirsan Degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir halkaasi uu askariga ka tirsan dowladda uu damcay inuu ka qaado qoriga balse ay isugula dhageen sidaasna uu ku dhaawacmay.

Sida wararka nagu soo gaarayaan taliyaha ayaa wuxuu ka dhaacwamay lugta dhanka midig isaga oo dhaawaciisa loo qaaday Isbitaalka Daarul Shifa ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo.

Koox wariyeyaal ah oo ugu tagay Isbitaalka ayaa soo sheegaya inuu diiday inuu la hadlo warbaahinta saacadaha soo socdana isbitaalka laga bixinayo.

Rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.