GODOBTA AFRKA iyo GARSHO LA’AANTA SOOMAALIDA

Hordhac Dareenka Siyaasiga ah ee Shacabka Soomaaliyeed’waa qormo ujeedkoodu yahay in NABAD iyo horumar ay hellaan guud ahaan Geeska Afrika, gaan ahaan Soomaaliya; iyada oo laga taxadarayo in qayb laga noqdo wax kasta oo keeni kara dib-u-dhac cusub (khilaaf)’isla markaana waxgaradka gobolka lala wadaagayo arrimaha mudan in la isku baraarujiyo.

Qaybtan (10-aad), GODOBTA Afrika iyo GARASHO LA’AANTA Soomaalida, waxaan ku soo qaadanaynaa Xaalladda gobolka wuqooyi Bari ee Kenya (NFD) oo dadkiisa ay haysatay dhibaatooyinka kala duwan tan iyo 1963. Dhibaatooyinka waxaa ka mid ahaa: xasuuq, dilal joogto ah, jirdil, dhac, kufsi iyo xarig; waxaa la gubaa magaalooyin iyo suuqyo ganacsi, waxaana la boobaa hanti kala duwan; dadka gobolka waxaa lugu hayaa takoor u gaar ah oo laxariiray nolosha, tacliinta, sharciyadda iyo horumarka; arrinta ugu daran waxaay tahay xuquuqdii asaasiga ahayd “freedom” (self determination) oo loo diidanyahay.

Dhibaatooyinka lugu hayeey bulshada ku nool gobolka North Front District (NFD) waxaay ahaydku-tala-gal,walina ma helin xukun caddaalladdeed marka la eego siyaasadda dowladda Kenya oo ay taageerayeen Ururka Midowga Afrikan (AU) iyo dowladdo Itoobiya; tacadiga Kenya ku hayso dadka rayidka ah waxaa ku dhaliilan Bulshada Caalamka, gaar ahaan United Nation (U.N), Yurubian Union (EU) iyo hay’adaha xuquuqda bani-aadamka.

Inta aynaan u galin dhibaatooyinka NFD oo faahfaahsan aynu si kooban wax uga taabano ujeedooyin Ururka Midowga Afrka (AU) loo aasaasay, in kasta oo Ummadda Soomaaliyeed u hayso sharaf iyo xushmad gaar ah haddana dhaliishu HIIL ayeey u tahay ururka. Si kastaba ha ahaatee, arrinta Geeska Afrika waxaay ku abuurtay caalamka walaac, waxaay noqotay mid bani-aadamka wada demqisay; mid keentay in wax la iswaydiiyo: xuquuqda bani-aadamka (human rights), Qawaaniinta Madaniga (public International Law), Madax-Bannaanida (self determantion.). Waxaa Jawaab u baahdan siyaasadda Afrika (AU) ee Soomaaliya ku wajahan. Afrika waxaa haysta dib-u-dhac dhaqan-dhaqaale, collaaddo,faqri, iyo khilaaf; waxaa lugu eedeeyaa masuq-maasuq iyo maamul-xumo. Hase ahaatee, bal aynu eego arrimaha ugu mihiimsa:

I. Aasaaskii Midowga Afrika

 

a). Ururka waxaa Addis Ababa ku aasaasay 32 dowladood bishii May 1963. Figradda waxaa lahaa Kwame Nkrumah (1909-1972). Madaxdii taageertay waxaa ugu horreeyay boqorkii Itoobiya Xayle Salaase. Soomaaliya waa waddanka kaliya ee aan saxiixin aragtida asaasiga u ah ururka Midowga Afrika. Sababtu Soomaaliya aysan u saxiixin charter-ka waxaay la xariirtaa KHILAAFKA XUDDUUDAHA. Madaxweynihii hore ee Libya Muamar Al Gadafi, ayaa soo jeediyay in dib-u-habayn lugu sammeeyo (1999); waxaana OAU lugu beddelay AU (2001, Sirte). Hadda (2012) ururka waxaa xubno buuxa ka ah 54 waddan. Ururka waxaa lala xariiriyaa: Malta oo Yurub ah, jasiirada socodra oo ku taal badda Hindia iyo Sinai oo Asia ah. Xarunta Ururka oo shirarka ururka lugu qabto waa Addis Ababa (1963-2012).

 

b). Ujeedkii Ururka Midowga Afrika (OA) loo aasasay (aim):

(a) in la dhiiragaliyo midnimada iyo isdhexgalka waddamada si qaaraddu ay u yeelato cod mideysan. (b) In ammaanka, dhaqaalaha iyo dhaqanka laga wada shaqeeyo.[2] (c) In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeeya waddamada si loo gaaro nolol wanaagsan oo bulshada qaaradda Africa ay hesho[1]. (d) In la difaaco madax-bannaanida, xuduudaha iyo sharafta ay leeyihiin waddamada xubnaha ka ah ururka. (e) Ururka waxaa ka go’an in xididada loo siibo noocyada mustacmaradda oo dhan( colonialism).

(b) waxaa jiray waddammo aan xilligaas helin madax-baanni (xarriyad) oo sida la yiri ay maamuliyeen dad laga badan yahay oo ururka xubno ka noqday, South Africa iyo Angola ayaa ka mid ahaa. Ururku wuxuu qorsheey hannaan (two ways of ridding the continent of colonialism): (a) in la xoojiyo xoriyad-gaarsiinta iyo difaacidda wadammadaas; (b) in dhexdhexaad laga noqdo arrimaha Caalamka iyada oo laga hortagayo in waddammda Afrika ay kala raacaan quwadihii caalamka ka jiray.

(c) Ujeedkii Ururka, waxaa ka mid ahayd in la ilaaliyo xuquuda Bani-aadamka iyo nolosha aasaasiga ah (1,2) iyada oo la xalinayo khilaafaadka u dhexeya waddammada xubnaha ka ah ururka taas oo loo marayo nabad iyowadahadal siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jawaab u baahan sababta Midowga Afrika u diiday in uu wax ka qabto arrimihii loo aasaasay NFD ay ka mid tahay.

II. Gobolka wuqooyi Bari Kenya (NFD)

a) Gobolku wuxuu ka mid ahaa dhulkii la isku oran jiray East Africa, xilligiI Ingiriiska (1900-1963 ). Dadka wuqooyi bari (NFD) naacow xorriyaddeed ayaa qalbigooda wada taabatay dhammaadkii Daggaalkii II ee Adduunka (ww II). Dhulalkii Soomaalidu (shantii) waxaay gacanta u wada galeen Ingiriis (1941).Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriisku, Ernest Bevin, 1946 ayaa soo jeediyay in dhulalka Soomaalida ee shanta loo qaybsaday 1885 la mideeyo inta u dhexaysa 1950 ilaa 1960; waxaa sidaas oo kale soo jeediyay Charles Filiot (1902) in dhulalka Soomaalida hal waddan laga dhigo madaama ay wadaagaan dhaqan, nolol (miyi) iyo luuqad ((sida uu caddeeyay A. Issak oo ah sharci-yaqaan ku xeeldheer arrimaha NFD (1); intii u dhexaysay 1850-1894 Ingirrisku wuxuu isku dayay in uu Soomaalida mideeyo. Xilligaas dhibaatooyin kala duwan ayaa haystay Soomaalida, hase ahaatee arrintaasi ma hirgalin sababbo jiray awgood (the Boundary Question between Somalia & Ethiopia, p25-41).

b). Aragtida Ingiriiska ee ahayd in Soomaalida la mideeyo waxaa soo dhaweeyay waddanigii oo NFD ay ka mid ahaayeen, waxaana xigay: in Ingiriisku SYL u aqoonsaday (1943) in uu matalo Maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed; SYL xafiisyo ayeey ka wada furatay dhulalka Soomaalida oo NFD ku jirtay (wuqooyi bari waxaa laga furay laba xaafiis SYL iyo NPPP (Northeren People’s Prograsive Party); madaxdii ururka SYL (Cabdullaahi Ciise Maxuud) ayaa shirar dibadda ugu baxay (Paris, 1947). waftigii SYL intii aysan Paris uga qaybgalin shirkii U.N-ta waxaay taageero xoog leh ka helleen Soomaalidii London deganayd (Somali Brothres).

[iidhe]

c) 1948 aragtidii Ingiriiska, Isbeddel ayaa ku timid. Isbeddelku wuxuu saamayn xun ku yeeshay Soomaalida iyo dhulalkoodii oo wuqooyi bari ay ka mid ahayd: Isbeddelkaas oo dhacay ayaa wasiirkii Ingiriiska u qaabilsanaa tastuur-u-samaynta Bariga Afrika (East Africa), wuxuu NFD u diray guddi madax-bannan oo xaqiiqo raadin ah (survey) si ay u soo ogaadaan aragtida dadka ee ku aadan ayaayaho-ka-talintooda((1962).

d) Guddigii waxaay la kulmeen 134 wafti oo ay soo dirsadeen bulshada toddobada degmo (7) ee gobolka NFD ka kooban yahay, waxaana u dhiibeen 106 nuqul (ducoments) oo caddaynaya dadku waxa ay doonayeen; guddigii (Independent Committee) waxaay Nairobi markii ay ku laabteen la kulmeen hoggaamiyeyaalkii siyaasadda ee NFD.

Ugu danbayn guddigii wuxuu caddeeyay in dadka wuqooyi bari (NFD) ay doonayaan in ay ka go’aan oo la midoobaan Soomaaliya. Hase ahaatee, najiidadii guddigu ka keenay dadka NFD lama yeelin, waxaayna u muuqatay curyaamin lugu sammeey rabitaanka Ummadda NFD. Sababta oo ah waxaa xigay:

1. In xoog lugu qabsaday gobolka .

2. in guddi calaamadeeya xuduudaha degmooyinka Garisa, Wajeer iyo Mandera loo diray. NEP.{2)

3. In Madaxdii Ururradii Siyaasadda ee gobolka wuqooyi bari ay qaadaceen doorashadii Kenya ee 1963; siyasiyiintii gobolka waxaa loo aqoonsaday “shifta War”. Shacabkii Soomaalida oo diidanaa in Kneya lugu daro oo doonayeey in ay ka mid noqdaan Jamhuuriyaddii Soomaaliya (Somali Republic) ayaa sammeeyay mudoharaadyo.[5]

4. Dowladdii Kenya oo ka jawaabaysa diidmada shacabka ayaa laba todobaad kadib ku dhawaaqdaystate of emergency, waxaayna dajisay qorshe adag oo lugu ciqaabayo shacabka NFD: Kenya daggaalkaas waxaay ula baxday“shifta war ([1]) wuxuu xoogiisu socday 1963-1967 iyo 1980-1982; Madaxdii xisbiyada siyaasadda ayaa xabsiyo lugu hayay ilaa 1970; gobolka wuxuu go’doon ka noqday adduun-weynaha iyo qaybaha kale ee Kenya si looga hortago in warbaahinta iyo xildhibaanadda baarlamaanku ay ogadaan dhibaatooyinka lugu hayo shacabka; Kenya waxaa lugu eedeeyay in ay xasuuqday dad shacab ah waxaayna gubtay magaalooyin ay ku noolaayeen dad rayid ah; dad tiro badan ayaa meel lugu wada xiray (concentration camps).

5. Kenya waxaay u isticmaashay dadkii “bandit”; waxaay kaloo samaysay qorshe looga hortagayo mucaaradka (Counter-insurgency), oo ujeedkiisu ahaa in la ciribtiro rabitaanka shacabka, awooddooda siyaasaddeed iyo wax kasta oo wax u tari kara shacabkii NFD[1]. Konton sanno ayaana sidaas ugu dhammaaday shacabka wuqooyi bari NFD.

e) Xukunka deg-dega ah (emergency laws) ee quseeya NFD

Tastuurka Kenya oo la qoray 12 December 1963 qodobkiisa 29 wuxuu tilmaamayaa arrimaha loo isticmaali karo “Emergency Laws”, si kastaba ha ahaatee, cudubka 19-aad ee tastuurka oo aan la beddelin ayaa dowladda Kenya caado ka dhigatay in ay awood u isticmaasho dad rayid ah oo aan maxkamad la gayn:

1. Bishii November 1980 waxaa dhacay xasuuqii estatemasscare, Bulla-Kartasi oo dabasocday lix sarkaal oo ciidammada Kenya ah oo lugu dilay Gaarisa; waxaa hub lugu garaacay tuulooyin ay ku dhinteen dad u badnaa dumar iyo carruur xoolo dhato ahaa; dad rayid ah oo carruur iyo dumar u badan ayaa lugu arruuriyay dugsiga hoose ee Gaarisa, waxaa lugu hayeey saddex casho oo aan cunto iyo biyo la siin (concentration camp).

2. Bishii February 1984 ciidammada Kenya waxaay ku duuleen Degoodiye oo ah beel Soomaaliyeed oo degta Wajeer, waxaayna sammeeyeen xasuuqii Wangalla (Wangalla Massacre): waxaa la dilay dad tiro ahaan lugu qiyaasay 5,000 (shan kun) oo qof; meelaha kale ee xukunka deg-degga ah lugu fuliyay ee dad rayid ah lugu ciqaabay waxaa ka mid ah Malka-mari, Garse, Derkali, Dandu, Takase iyo Mandera.

f) Cutubka 19-aad

Markii Kenya noqotay Jamhuuriyad (1964) awooddii qodobka 19-aad ee tastuurka Kenya wuxuu isugu yimid madaxweynaha oo isbeddel ku sammeeyay lix qodob oo tastuurka ka mid ahaa (amendment) oo dhammaantood lugu ballaarinayay emergemncy laws; waxaana la laalay qodob la xariiray in baarlamaanku maamullo arrimaha la xariira ‘madaniga’.Tusaale,Emergency Laws, wuxuu leeyahay laba micne: mid waxaa lugu dabakhaa xaalladda NFD si awood xad-dhaaf ah loogu isticmaallo dadka Soomaalida ah. Midka kale, waxaa loo isticmaalaa Kenya inteeda marka waddanku uu daggaal ku jiro. Ha yeeshee, faah-faahinta “Emergency Laws” waxaay ka muuqataa gobolka wuqooyi bari (NFD).

g) Isbeddelkii Gobolka

Xukunka degga ah (emergency laws), wuxuu gobolka u beddelay goob daggaal (xero ciidan): saraakiisha ciidammada ayaa awood loo siiyay in ay ciqaabaan dad aan maxkamd la gayn; qofkii hub lugu arko ama martigaliya qof hubaysan waa dil iyo xabsi dheer, wixii hanti ahna waa lagala wareegayaa; qofkii gaadiid (boat(doon) ama hanti ku haysta webiga Tana waa xabsi daa’in iyo hantida oo lagala wareego; gobolka in aysan gali karin cid aan ahayn ciidammada iyo shaqaalaha dowladda; saraakiisha ciidammada waxaa awood loo siiyay in ay samayn karaan xarig, xukun-ciqaabeed, baaritaan; xubnaha dowladda iyo saraakiisha ciidammada waxaa awood loo siiyay in ay joojin karaan dacwadaha (judicial trails) quseysa qodobbada 386 iyo 387 oo tilmaama hab-raaca denbiyada (crime code procedure) arrimaha la xariira qof ku dhintay gacanta ciidamada ammaanka ama xabsi.

h) Wada shaqaynta Baarlamaanka iyo xukunka deg-degga ah

Wada shaqaynta baarlamaanka iyo xukunka degdega ah ee u gaarka ah wuqooyi bari waxaa la sameeyay 1970 sida ku cad chapter-ka 44 ee sharciga Kenya. Qodobku wuxuu sheegayaa in aan madaxda ciidammada iyo laamaha dowladda aan lugu soo oogi karin wax dacwad ah oo ku saabsan dil, hanti, tacadi iyo sharaf-dil. Waxaana dhacday in denbiyo xuquul insaanka ka dhan ah ay dhacayeen oo loo isticmaalay “indemnity” intii u dhexaysay 1963 ilaa 2012.

i) Dhaqan-galinkii sharciyada deg-degga ah

Xubno ka tirsanaa ciidammada iyo laamaha dowladda Kenya ayaa gaystay tacadiyo qayb ka ahaa waajibkoodii ay gudanayeen: xasuuq, kufsi, xarig, xabsiyo dheer, boob iyo isdamamarin. Mana jiraan cid la xisaabtantahay.

j) Takoorka Soomaalida u gaarka ah

Soomaalida Kenya waxaay ka cawdaan takoor (nacayb) la xariira oo nidaamka loogu isticmaalayo si ka duwan dadka Kenyanka ah ee kale. Arrintan oo qusaysa xuquuqda muwaadinka iyo soo-galoodiga, waxaay qusaysaa warqadda dhalashada, warqadda aqoonsiga iyo baasaboorka. Sannadkii 1989, Soomaalida Kenya waxaa lugu sammeeyay tirokoob u gaar ah:

1. dowladda Kenya waxaay diiwaan-galisay Soomaalida gobolka wuqooyi bari, kadibna waxaay masaafurisay dad la sheegay in ay ka-mid-noqoshada Soomaaliya taageersan yihiin. Sababta arrintaas Kenya ku sheegtay waxaay ahayd in aysan u dulqaadan karin dad iska dhigaya muwaadimniin Kenyaan ah laakiin mucaarad ku ah Kenya; sidaas daraateed Kenya waxaay mihiim u aragtaa in dadka mucaaradka ah ay ciidammadu aqoonsadaan.

2. waxaa xigay in Kenya samaysay guddiyo ka kooban maamulka dowladda, ciidammada ammaanka iyo odey-dhaqameed, oo ka shaqeeya in ay caddeeyaan dadka jinsiyadda xaqa u leh (citizenship) iyo kuwa aan u lahayn. Dad guddigaasi aqoonsan waayeen oo Soomaaliya ah ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya. Masaafurinta iyo tirokoobka Soomaalida u gaarka ah, waa arrimo xadgudub ku ah xuquuuqda bani-aadamka iyo midda muwaaadinka. Waxaa micne weyn leh in Soomaaliya dadkaas loo masaafuriyay. Qodobka 22 ee tastuurka Kenya ayaa wax la iska waydiiyayaa.

k) Horumar La’aanta Gobolka Wuqooyi Bari

Gobolka NFD, waxaa muuqda horumar la’aanta, marka la eego nolosha dadka, dhaqaalaha, tacliinta iyo kaabayaasha. 80% ee dhaqaalaha gobolka wuxuu gala ciidammada si ay u hayaan nidaamka iyo kala-danbaynt, arrintaas oo muujinaysa in wax la hayeey laakiin aan la horumarin. Sidaas daraateed, ma jirin wax la dhisay oo micne leh muddodii 50 sanno ahayd ee uu Socday emergency laws.

l) Rejadii Cusbayd ee Sharciga Kenya (1990s)

Waxaa jirtay rejo laga qabay in isbeddello tastuurka lugu sammeeyo: in axsaabta siyaasaddu ay midoobi karaan, tirada ugu yaraan tastuurka wax ka beddeli karta; xukunka deg-degga ah ee NFD u gaarka ah gaar ahaan qodobka 127 oo saldhig u ah state of emergency, waxaa la beddelay November 1991. Qodobka kale ee 1966 oo quusiyay rejadii NFD waxaa ka la beddelay 1997 (amendment Act of …).

Isbeddelka sharcigu waa tilaab wanaagsan laakiin waxaan la hubin sida uu uga dhaqangali doono bulshada gobolka oo rumaysan in loo diidan yahay xuquuqdii asaasiga ahayd (rights and freedom) taas oo tastuurka Kenya kaga qoran chapter-ka 5-aad. Hadda ayaa cabsida dadku ka badan tahay xilliyadii hore, sababta dadka damiirkoodu uusan burburin in ay aqballaan half citizen, sida waxgaradku rumaysan yahay, ma ahan wax la aqbali karo.

Dowladdii wadaagga ahayd intii ay jirtay, waxaa dhacayeey xadgudubyo lid ku ah xuquuqda bani-aadamka oo ku salaysan jinsiyad, horumar la’aan. awoodda iyo dareenka iyo sharciga oo aan wada shaqaynayn, lama isticmaalo hab-raac la yaqaan. Nasiib-darro, wali waxaa socda ciqaab wadareed loo gaysanayo dadka Soomaalida ah: dilal, dhac, jir-dil, xabsi, iyo indemnityoo qayb ka ah emergency laws; waxaa jira curyaamin dhaqaalaha sida Gaarisa ka dhacaday bishii November 2012.

Sannadkii 2001 baarlamaanku wuxuu gudbiyay motion.waxaa lugu doonayeey in galbeedka Wajeer laga qaado xukunka deg-degga ah. Wali lama hubo wax ka hirgalay. Ciidammada Kenya ee gobolka NFD ka howlgala waxaa qabatimeen nidaamkii ay u barteen ee ahaa mususuq-maasuq, boob, dadka oo ay iska xiraan, kufsi iyo dil.

m) Kala Duwanaansha Ciidammada Kenya

Marka ciidammo Kenya loo beddello gobolka NFD, waxaa la siiyaa tababbarro dheeraad ah; dugsiyada tababarka midkood wuxuu ku yaal Gaarisa.Ciidammadu waa in ay xirtaan dharka ciidanka (dress/uniform) iyo numberka ciidanka. Laakiin ciidammada jooga wuqooyi bari ma qaataan dress, numberka ciidanka oo ay ku jiraan ciidanka traffic-da. Waxaa la iswaydiiyaa sababta ciidammada gobolka ka duway kuwa kale.

Waxaa muuqata in ay jiraan kala duwanaansho ku salaysan, caddaallad la’aan, xadgudubyadii laga galo xuquuqda bani-aadamka muddodii xukunka adag uu jiray. Wali waxaa caddaallad sugaya agoontii iyo garoobyadii xasuuqii Wangalla oo aan wax laga waydiin ciidammadii gaystay. Tacadiyada rayidka loo gaysto iyo kala duwanaansha sharciga ayaa markhaati u ah takoorkajira. Dadka gobolku waxaay u baahan yihiin in ay ka soo kabtaan dulmigii taariikhiga ahaa ee aan ka jirin Kenya inteeda kale.

n) Dhul-ballaarsiga xeelladaysan

Waxaa jira magaalooyin la wada dego oo u dhaw sida Mooyaale, Marsabit iyo Isiolo. Waxaay hoos tagaan gobolka Eastern Province oo xaruntiisu tahay Embu oo aad uga fog. Arrintan waxaa sabab u ahin laga fogeeyo degmooyinkan gobolka wuqooyi bari ee Soomaalidu degto. Taasina waa tilmaan kale oo muujinaysa xaqiraadda Kenya ku hayso dadka asal ahaan Soomaalida ah.

III. Isbahaysiga Kenya iyo Itoobiya

a) Isbahaysiga Kenya iyo Itoobiya, wuxuu soo bilowday qarnigii 15-aad, waxaana dib u dhisay Menelik II, bilowgii qarnigii 19-aad. Isbahaysigu wuxuu dabasocday daggaallo ku salaysnaa dhul-balaarsi, diin iyo siyaasad oo qayb ka ahaayeenTurki iyo Boortiqiis. Xilligaas ka hor, qoomiyadaha barika Afrika (Soomaalida, Abysinia iyo Kenya) waxaa ka dhexeeyay deris-wanaag laakiin qarnigii 16-aad ilaa 18-aad waxaa istaagay daggaalladii Turki iyo Boortiqiis ay qaybta ka ahaayeen Menelik II uu HARAR (1875). Menelik, wuxuuna dejiyay siyaasadda Itoobiya hadda ku socoto:

1. wuxuu beddelay magacii qoomiyadihii Abysinia, wuxuuna ka dhigay Itoobiya. Wuxuu isku ballaariyay Soomaali-galbeed/Ogaden. Wuxuu ka mid noqday qaybsigii Afrika 1885 (the scrample of Africa) oo dhulka Soomaalida Ogaden/Soomaali Galbeed uu qaatay. Arrinta ugu xanuunka badan,waxaay tahay dad qaybsaday (beello).

2. 10 April 1891, Menelik II[2], warqad (circlar letter) u qoray waddammadii reer Yurub laba micne ayeey lahayd: midda hore, in Itoobiya leedahay dhulka Soomaalida. Mida kale,wuxuu ahaa in uu reer Yurub u diidanaa dhulka Soomaalida, oo uu u hiilinayeey Soomaalida. Xaqiiqtan wuxuu sheegay dhaliilo Soomaalidu ay lahayd.

“for Somalia to say that Ethiopia was the banner-bearer of “BLACK IMPERIALISM”, and the accomplice of EUOPEAN COLONIASIM”, and to inveigh agaist her the accusers as suffering from “HALLUCINIONS” is to go beyond the limits of the absurd and the grostesque; especially when the accusers are men whose fathers sold their own country to foreigners for silver coins, and then became their mercenaries and the merciless hangmen of their own brothers and co-religios in Libya.” (the Boundary Question between Ethiopia & Somalia, p13,19-20).

3. 1897 Menelik II, wuxuu sheegtay in ay leeyihiin Raascasayr ilaa xeebaha koonfureed (Banaadir, Hobyo, Nugaal iyo Majeerteeniya) iyo dhulka webiga Juba uu maro.Wuxuu sheegay in Azania la oran jiray ayna lahaayeen Zanj (S. Pierre Pelrides:“the Boundary Question between Ethiopia & Somalia”, p 40-45).

4. Menelik qaybihii ay qaateen waddamadii reer Yururb ayuu ku qabsaday: Britain (Saylac, Harar…),Farnsiis (Jabuuti) iyo Talyaani (koonfurta Soomaaliya iyo Eritria) ayuu ku qabsaday.

5. 1896 waxaa dhacay daggaalkii Cadwa oo dhexmaray Talyaani iyo Itoobiya. Ciidanka Talyaanigu wuxuu ahaa 21,000 oo ku hubaysan qalab casri ah. Ciidammada Itoobiya waxaay ahaayeen 90,000 oo aan sitan hub casri ah. Waxaa guul taariikhi ah gaaray Itoobiya. Guusha Itoobiya la wadaagay Africa marka Soomaaliya laga reebo, sababtu waxaay la xariirtay qaybsigii Afrika ee 1885.

6. The Conquest of Menelik II (from1883-1890, 1890-1895, 1895-1900). The second conquest of Ethipia from 1909-1935, ( Gen. Cali Ismaaciil Maxamme: “dareen maqan iyo damac shisheeye” p163-169).

7. The 1908 Itlalo-Ethiopian boundary convebtion oo ay wada saxiixeen Menelik II iyo boqorkiiTalyaniga Vittoria Emmanuele III. Heshiiku wuxuu ku saabsanaa Baydhabo, Luuq, Doolow iyo dhulka uu maro webiga Shebeele. Waxaana lugu dhamaystay in dhulka xeebta ah (180 miles-inhinterland)Talyaaniga loo daayo Itoobiyana dhulka ay degaan ….

8. Sannadkii 1954 oo Itoobiya (boqor Xayle Selase) lugu wareejiay Hawd, wuxuu sheegay in aysan jiri doonin wax Soomaaliya la yiraahdo laakiin ay jiridoonto Itoobiyada weyn. Madaxweyne… “maslaxad Soomaaliya waligeen kama aanaan shaqayn.” Hadda laba waddan Kenya iyo Itoobiya waxaay qayb ka wada yihiin Lamo Project.

b) Heshiiskii Itoobiya iyo Kenaya: 1960-1964.

Heshiisku u wuxuu dhexmaray: Kenya iyo Itoobiya. Wuxuuna ka dhan ahaa Soomaaliya. Nooca heshiiska: daggaal lala galayo waddan (interstate). Arrinta heshiisku quseeyay: jinsiyad, khayraad iyo dhul.heshiiku wuxuu lahaa afar waji oo kala hoeysay (four phases: 1960-1964):

1. Wajigii 1: 1960: wuxuu bilowday ka hor xorriyaddii Jamhuuriyadda Soomaaliya July 1960, oo Fanansiis, Italy iyo waddammadii dhulalka Soomaalida haystay oo ku guuldaraystay in ay xaliyaan khilaafkii xudduudihii dhulalkii Soomaalida oo dhinac ah iyo Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo la timid DAMAC ah Soomaali weyn oo dhanka kale ah.

2. Wajigii 2: 7/1960: xorriyaddii 1960 kadib waxaa isku dhacyo dhexmareen ciidammo Itoobiyaan ah iyo Soomaali reer guuraa ahaa kadib markii Itoobiya ciidammo soo dhoobtay xadka labada waddan. Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxaay dhiirogalisay in gobolka wuqooyi bari (NFD) uu ku soo biiro Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaay ahayd intii Kenya aysan xorriyadda qaadan. Arrintaasi waxaay keentay in xiriirkii Ingiriiska iyo Soomaalida uu xumaado. Dowladdii Soomaaliya waxaay xirrir ganacsi la samaysatay Chine. Waxaay sidoo kale xirrir dhinacyo badan la yeelatay Midogii Soviet. Madaxdii Afrika (OAU), arrinta Soomaalida ma ay taageerin. Kenya, 13 cisho kadib xorriyaddeedii waxaay ku dhawaaqday state of emergency.

3. Wajigii 3: 1/1964: daggaal ayaa ka biloday xudduudha labada waddan (Itoobiya iyo Soomaaliya) kadib markii ciidammo Itoobiyan ahi burburiyeen calaamadihii xuduudaha gaar ahaan Wajaale (wuqooyiga Soomaaliya (Somaliland). Itoobiya waxaay ku dhawaaqday daggaal in ay kula jirto Soomaaliya (state of emergency). Golaha Ammaanka (UNSC), OAU, USSR iyo Mareykan dadaal ay sameeyeen ayaa lugu gaaray xabad-joogin bishii March 1964.

4. Wajigii 4: 4/11964: guddi Caalami ah oo kormeeya xabad-joojintii Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku jiraan Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ciidammadii dib u kala qaaday. Dhanka kale, waxaa meello kale ka socday isku dhacyo u dhexeeyay Itoobiya iyo Kenya oo dhinac ah iyo reer guuraa Soomaaliyeed oo doonayeey Soomaaliweyn.

c) Burburintii Jamhuuriyaddii Soomaaliya

1960 ilaa 1991, Kenya iyo Itoobiya burburintii JS waxaay u isticmaalleen xeelladdo kala duwan, waana ku guulaysteen. Waxaa ka mid ahaa: in wax kasta oo Itoobiya iyo Kenya aan ka iman aysan Soomaaliya ka shaqayn; in ay soo dhaweeyaan mucaaradka kasta oo ay leedahay dowladda Soomaaliya (SSDF, SNM, USC, SPM) iyo in qof kasta oo Soomaalida ka dhexmuuqda ay saamayn ku yeeshaan Ttusaale:

1. Itoobiya qabsatay Balanballe iyo Galdogob (1982-1987)

2. mucaaradkii dowladdii Soomaalidu wuxuu xafiisyo ku lahaa Nairobi iyo Addis Ababa; Madaxweynihii hore ee Itoobiya Mingiste Xayle Maryam, wuxuu Baxardaar (Itoobiya) kula shiray madaxdii SNM, UCS iyo SPM sannadkii 1988. Ujeedku shirku wuxuu ahaa in dowladdii Soomaaliyeed loo rido. Dowladdii Soomaaliyeed waxaay dhacday January 1991.

3. Soomaaliya waxaa u biloday 1991 taariikh adag: Muqdisho waxaa qabsaday USC laba garab ah. Dowladdii hore (Madaxweynihii) Gedo ayeey tagay. Kismaayo waxaa dukheeyay diyaaradihii dowladdii Soomaaliya oo Muqdisho ka soo duulay; waxaa soo baxay ururkii Al-Itixaad; daggaallo sokeeye oo ay ku naf waayeen malaayiin rayid ah ayaa biloday; waxaa dibadda u qaxay million; denbyo xuquuda bani-aadanku lid ku ayaa biloday;.

4. Waxaa la qabtay shirkii Jabuuti (1991). Waxaa shirka Jabuuti saamayn gaar ah ku lahaa Manafesto oo ka mid ahaa mucaaradkii dowladda ee aan hubaysnayn. Waxaa madaxweyne loogu doortay Cali Mahadi Max’ed. Wasiirka kowaad waxaa noqday Cumar Carte Qaalib, oo sheegay in ciidammadu hubkooda u dhiibaan jabhaddii hubaysnaa. Waxaa isku aragti ka noqday shirkii Jabuuti dowladdii hore iyo jabhadii riday: USC, SPM iyo SNM. Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag. Daggaalladii ayaa koonfurta iyo bartamaha sii xoogaystay. Ururkii Al-Itixaad, ayaa ku xoogaystay Gedo (Luuq) Puntland, Muqdisho iyo Burco (Somaliland).

5. Waxaa biloday in baddii sun lugu shubo (toxic wast) isla markaana si sharci-darro ah looga kalluumaysto; in la dhoofsho xoolihii dhadig iyo dhuxusha; waxaa biloday ka ganacsiga hubka iyo…

6. Baydhabo, Muqdisho, Kismaayo waxaa si gaar ah u saameeyay macaluushii ugu xumayd, 70% tiradii guud ee Soomaalida waxaa saameeya macaluul; waxaa dhintay 300, 000 oo carruur iyo dumar u badan. 500, 000 ayaa u qaxday waddamada deriska (Kenya iyo Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen). 900-1000 qof in ay dhiman jireen maalin kasta (Gen. Cali Ismaaciil Max’ed “dareen maqan iyo damac shisheeye”). Sababta macaluushu waxaay la xariirtay daggaalladii sokeeye.

7. Waxaa waddanka yimid howlgalkii Caalamiga ahaa, restore of good hope (rejo-soocelintii). Howlgalkii sidii la rabay uma guulaysan, sababta waxaa qayb ka noqday kala-aragti duwnnaan ka dhexjirtay Soomaalida iyo Bulshada Caalamka, si la mid ah 1948. Go’aankii tirsigiisu ahaa 794 (Dec.1992) wuxuu sheegayeey hub-ka dhigis. Ciidammaii Caalamiga ahaa waxaay isu geeyeen Cali Mahadi iyo Gen. Max’ed Faarax Cadiid (markab dushi). Maalmo kadib waxaa Kismayo qabsaday Gen. Max’ed Siciid Xirsi (Moragn) oo ka mid ahaa SPM-SRRC; wuxuuna ka qabsaday Axmed Cumar Jees oo ka mid ahaa SPM-SNA. Dhowr dhacdo oo xuquuqda bani-aadamka ku xun ayaa ka dhacay Baydhaba, Kismaayo iyo Muqdisho. In la soo qabto Gen. Cadiid ayaa amar lugu lugu baxshay. Dhowrkaas dhacdo isku si looma arakayn, waxaayna saamayn ku yeesheen fashilkii ku yimid howlgalkii guud.

8. 1993 Itoobiya Sodare Soomaalida waxaay ugu qabatay shir ujeedkiisu ahaa in ay maamusho Soomaaliya. Shirkii Sodare oo socda ayaa Itoobiya gobolka Gedo ka qabsatay Al-Itixaad (Luuq). Shirkii Addis Ababa , waxaa diidanaa dad Soomaalida saamayn ku lahaa waxaana go’aannadiisii ka mid ahaa hub-ka dhis. Madaxweynaha Uganda yaa Muqdisho Gen. Cadiid ku bookhday.

9. Masar ayaa shir kale Soomaalida u qabtay 1997. Ma taageersanayn shirkii Addis oo samayn ayuu ku yeeshay. Halkan waxaa ka biloday tartan cusub, Masar, Libiya iyo Eritria waxaay gacan siiyeen qolyihii diidanaa siyasaddii Itoobiya. Itoobiya gudaha Soomaaliya ayeey sii gashay (1998). Ciidammo Oromo OLF ayaa Saldhigyo ku yeeshay Shabeellada dhexe iyo Bay.

10. Bixitaankii Itoobiya ee Gedo, Baydhabo iyo Bakool waxaa ka heshiiyay Itoobiya, Libya iyo Masar. Hase ahaatee, Itoobiya waa ay joogtay Luuq, Dolow iyo Balad-xaawo ilaa 2001(SRRC). Itoobiya oo ay la socdaan RRA ayaa Baydhbo ka qabsaday SNA (1998).

11. Hindisihii Shirkii Carta (Jabuuti) oo uu lahaa Ismaaciil Cumar Geelle, Itoobiya iyo Kenya kuma faraxsanayn. Sababta oo ah: madaxdii SSDF, SNM iyo USC ee xilligaas waa ay diideen shirkii Carta; dowladdii Carta lugu dhisay markii ay Muqdisho tagtay Itoobiya waxaay ku burburisay SRRC( SSDF, USC, SNM, RRA, SNF ) oo ay ku dhistay shirar ka dhacay Ceelbarde, Addis Ababa, Nakuuru (Kenya) iyo Hawaase (1999-2000). Itoobiya waxaay xeryo ciidammda lugu tababarro ka samaysay Manaas (Baydhabo) Hiiraan, Gedo Puntland iyo Muqdisho, waxaayna gaysay hub xad-dhaaf ah. Ciidaammo Itoobiyaan ah oo taageeray Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa xukunkiii Puntland ka tuuray Jaamac Cali Jaamac oo ku bedelay Cabdullahi Yuusuf Axmed, oo markiiba sheegay in uu noqon doono madaxweyne Soomaaliya. Daggaalkii Eritria iyo Itoobiya (1998-1999) waxaa ka qaybgalay ciidammo Soomaaliyeed oo Itoobiya la socday.

12. 2002-2004 waxaa xoogaystay Maxkamadihii Islaamka( ICU). Waxaa xasiliyeen Muqdisho. Khilaaf cusub ayeey ka sammeeyeen gobollada dhexe iyo Jubooyinka. Waxaay ku hanjabeen in ay Addis Abab qabsan doonaan iyo in shareecada Islaamka lugu xukumi doono… waxaa bilowday dhibaatooyin aan horay uga dhicin Soomaaliya: in isbitaal bukaan jiif lugu laayo, si ku talagal ah; in calanka Soomaaliya … (Kismaayo); waxaa Muqdisho iyo Jubooyinka laga saaray ururkii maxaakiimta, Muqdisho waxaa qabsaday ciidammo Itoobiyaan ah oo caawinaya dowladdii Soomaaliyeed. Waxaa madaxweyne ahaa Cbadullahi Yuusuf Axmed; wasiirka kowaad waxaa ahaa Cali Max’ed Geedi. Xaflad taariikhi ah ayaa Muqdisho (Vlla Soomaaliya) lugu dhigay MilliniumItoobiya (2008). Xafiisyo siyaasaddeed (diplomatic mission) oo Itoobiya leedahay ayaa laga furay Garoowe iyo Hargaysa, Heshiisyo caalamiga ahna waa la galay.

 

IV. Sababtii Daggaalkii Soomaali Galbeed (1977)

In la mideeyo dhulalkii Soomaalida, Ummadda Soomaaliyeed waa isku raacsanayd laakiin waxaa la isku khilaafsanaa qorsha daggaalka:

1. 21 Npvember 1949, Galaha Ammaanku waxaay ogollaadeen in dhulkii Soomaalida ee Talyaanigu gumaysan jiray ku-meel-gaar la siiyo (1950 ilaa 1960). 1 Julay 1960 ayaa xorriyad la siiyay. Afar casho ka hor (26 June) dhulkii Soomaalida ee Ingiriis xukumay ayaa xorriyad qaatay waxaayna wada sammaysteen Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

2. tastuurkii 1961-kii (article VI, Paragraph 4) ayaa lugu qoray in Midnimada Shanta Soomaaliya ay muqadis tahay. 19-kii August 1962, wasiirkii kowaad ee Soomaaliya Cabdirashid Cali Sharmaake, wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto sidii lugu mideyn lahaa dhulalkii Soomaaliyeed; wuxuuna ka digay in nabadda Barika Afrika ay halis gali doonto haddii dhulalka Soomaalida aysan siin Itoobiya iyo Kenya.

3. 1963 Madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, oo Lagos (Nigeria ) uga qaybgalay Shirkii Midowga (33 African Head of States) wuxuu sheegay in haddii dhulalka Soomaalida ee ay haystaan Kenya, Itoobiya iyo Jabouti ee loo diido xorriyadooda Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabo adag.

4. 13 bilood kadib, shirkii 2nd ee ururka OAU oo ka dhacay Qaahira (Cairo) ayaa loogu jawaabay Soomaaliya. Shirka, wuxuu ku saabsanaa in madaxda Afrika ay ku saxiixaan ujeedooyinka iyo mabaadii’da Ururka ee ku cad cudubka 3-aad farqadiisa 3-aad ee charter-ka ururka. Xubnihii kale ee ururka waxaay ogolaadeen in ay aqoonsan yihiin xuduudihii jiray xorriyadooda ka hor laakiin waddanka kaliya ee aan saxiixin wuxuu ahaa Soomaaliya (Boundary Question Between Ethiopian & Somalia, p2-4,).

5. 1973-1974, madaxdii dowladdii kacaanku (Barre) waxaay socdaallo ku mareen waddamo qaarada Afrika ah. Ujeedka socdaalku wuxuu ahaa in xal nabaddeed loo helo dhulalka Soomaalida ( xorriyad la siiyo) gaar ahaan Soomali galbeed iyo NFD. Dowladdii Soomaaliya waxaay Muqdisho ku marti-galisay Shirkii Midowga Afrika ee 1974. Waxaay ku cel-celisay in aysan colaaddu dan u ahayn Soomaaliya iyo waddammada deriska la ah. Sidaas daraateed, Soomaaliya nabad ay xalka ku doonayso.

6. Jawaabtii Madaxda Afrika oo uu ka mid ahaa boqorkii Itoobiya Xayle Selaase waxaay noqotay “maya”.Jawaabtii diidmada ahayd ee Midowga Afrika Soomaalidii waa ka xumaadeen. 1971 ayaa U.N u dirtay Soomaali galbeed guddi, waxaay qoreen in ay xaq u leeyihiin madax-bannaani. Hase ahaatee, najiidadaasi waxaay la mid noqotay middii NFD?

 

V. Ka mid Noqoshadii Jaamacadda Carabta

Sannadkii 1974 Madaxweynihii Soomaaliya Max’ed Siyaad Barre, oo ka xun jawaabtii Midowga Afrika (OAU) ayaa socdaal dheer ku bookhday:

1. United Nations, Washington, Paris, iyo Talyaaniga; wuxuu kaloo bookhday waddamada Carbeed ee ku jiray Midowga Afrika (Afro-Arab) iyo waddammada khaliijka. Wuxuu Rabat (Marocco) uga qaybgalay shirkii 7-aad ee Jaamacadda Carabta oo ay yimaadeen boqoradii iyo madaxweyneyaalkii 18 ka mid ah 20-kii waddan ee xubnaha ka ahaa Jaammacadda Carabta (Arab Legue).

2. Soomaaliya iyo afar waddan oo xiriir Carabta la lahaa ayaa loo ogolaaday in ay dhiibtaan dalabkooda (cases). Barre, wuxuu helay markii ugu horaysay fursad uu khodbad dheer ugu jeediyo madaxda Arabta. Qotbadu iyo ujeedkii socdaalkii uu ku soo maray waddamada kala duwan waxaay ku salaysnaayeen iskaashiga Carabta iyo Afrika iyo arrimaha xuduudaha sidii xal loogu heli lahaa. Waxaa 1976 Washington ku noqday wafti uu hoggaaminayeey Xuseen Cabdulqaadir Qaasim. Ujeedka waftigu wuxuu ahaa in la wanaajiyo xiriirka Washington iyo Muqdisho. Waxaa sii xumaanayee xiriirkii Midowga Soivet iyo Soomaaliya, arrinta NFD iyo Soomaali galbeed (Ogaden) awgood.

Soomaalida xubin Jaamacadda Carabta ah ayeey noqotay, laakiin Soomaaliya halgankii ay ugu jirtay wax-u-qabashada qaaradda Afrika waxba iskama beddelin. Muddodii uu Barre guddoomiyaha u ahaa AOU wuxuu dhab ahaan qabtay arrimaha ku qoran charter-ka ururka. Waxaa la isku xiray qaarada si ay awood ugu yeelato in ay xaliso dhibaatooyinkii horay u jiray; arrimo xaasaasi ahaa oo wax laga qabtay waxaa ka mid ahaa waddamadii uu gumaysan jiray Boortiqiis oo uu ka sii jiray nidaamkii hore oo isbeddel lugu sameeyay; iskaashi dhexmaray Carabta iyo Afrika; daggaalkii Barika Dhexe (1973) iyo cunta yaraan iyo sicirkii shidaalka oo kacay ayaa wax laga qabtay ( M. I. Shire, “his life and legacy” p100-104).

June-Dec. 1974, saddex arrimood oo qaaradda mihiim u ahaa waxaa ka mid ahaa: doorka haweenka Afrika, kor-u-qaadida dhaqaalaha iyada oo la xoojinayo iskashiga dekedaha iyo gaadiidka badda, xirka iyo dhulka. In kor loo qaado tabaca beeraha iyo xoolaha. 21 July 1975 Madaxweyne Barre, wuxuu Muqdishu kula kulmay 19 waddan oo barika Afrika ah, wuxuuna waydiistay in ay dhaqaalaha ka midoobaan. Intii Soomaaliya guddoonka ururka haysay afar waddan oo Afrika ah ayaa xor noqotay.

28 July ayaa Madaxweynihii Ugandha Idil Amin Soomaaliya ku wareejisay warbixin dhamaystiran oo ka hadlaysa wixii la qabtay iyo himilooyinka ururka. Xilli Soomaalidu Abaal iyo xuquuq ahaan selfdetermination uga wayday dhulkeedii Afrika ayaa safiirkii Soomaaliya u joogay Sudan Cabdirixmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu keenay xog ay ka abuurantay duullaankii Soomaaliya ay 1977 ku qaaday Soomaali-galbeed (Cabdullahii Xasan Max’ed, guddoomihii Jabhaddii Soomaali galbeed (WSL).

 

VI. Nasiib-Daradda Heshiisyada Caalamiga ah (qaarkood)

Marka la eego heshiiskii, the 1908 Italo-Ethiopian, waa mid tusaale u ah arrimo wali taagan, Tusaale:

1. Ururkii‘the League of Nations’ Itoobiya wuxuu ka aqbalay xubinimada sannadkii1923. Itoobiya xaraysatay dacwad ah in ay wadahadal ka gasho arrinta Walwaal oo dhacay 1935-6. Laba maalin kadib ayaa Talyaani asna dib-u-sheegtay in uu leeyahay.

2. 1945 dhammaadkii daggaalkii II (w.w. II), Itoobiya, waxaay doonaysay in ay Soomaaliya lugu wada wareejiyo, sidii Eritria oo Talyanigu intii uusan wada qabsan ay ahaayeen laba waddan oo federal ah. Markii Talyani laga xorreeyay (1941), Itoobiya waa ay diiday in Eritria ay madax-bannaani siiso. Daggaal 30 sanno socday kadib Eritria 1991 ayeey xoriyadeedii soo ceshetay.

3. Golaha Ammaanku (UNSC) oo waayo aragnimo ka helay wixii horay u dhacay, ayaa go’aankii ku gaaray 21 Nobember 1949 in dhulkii Soomaaliyeed ee Talyaanigu gumaysan jiray la siiyo ku-meel-gaar (Trusteeship). Go’aankaas Itoobiya wuxuu u lahaa farxad iyo naxdin wada socda: waa ay ka naxday oo dowlad Soomaaliyeed ma ay doonayn in ay aragto dowlad Soomaaliyeed; waa ay ku faraxday oo in Ogaden iyo Howd in lugu qabsado ayeey ka welwelsanayd.

4. Madaxdii Ururka Midowga Afrika (AOU) oo Cairo shir uga socday (1964) ayaa soo dhaweeyay in xududiihii isticmaarku ka tagay la aqoonso. Si kasta ha ahaatee, arrintaasi waxaay u baahan tahay in xal laga gaaro. (S. Pierre Pelrides: “the Boundary Question Between Ethiopia & Somalia”, p 40-49).

VII. Qorshaha Cusub ee Kenya

1) Siyaasaddii hore ee Kenya wax iska beddelay ma badna laakiin waxaa jira maaweelo lugu doonayo in horseedka bulshada looga dhaadhiciyo in ay xuquuqda ula siman yihiin ummaddaha kale. Si kastaba ha ahaatee, damaca ku jira Kenya kuma koobna hadda NFD ee wuxuu gaarsiisan yahay Muqdisho.

2) Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya (1991) kadib Kenya waxaay marti-galisay qaxoodiga ugu badan ee Soomaali ah oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno; waxaay kaloo marti galisay hay’adaha iyo safaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya; Kenya waxaa laga maamullaa Somali Sivil Aviation (UN); Kenya waxaa lugu qabtay shirar Soomaaliya dowladdo loogu dhisayeey.

3) Laga soo bilaabo sannadkii 2009-20012 Kenya, waxaay mashquul ku ahayd gobollada Jubooyinka: waxaay isku dayday in ay la wareegto dhul-baddeed Soomaaliyeed (memorodum of understanding); waxaay tababarro siisay ciidammo kala duwan (ururro, ciidamo-beelleedyo iyo ciidammo dowladdeed); diyaaradaha Kenya waxaay duqeeyaan Soomaaliya waxayna laayaan dad rayid a, sida ka dhacday Jilib, Baardheere, Buurdhuubo, Ceelcadde iyo Kismaayo; Ciidammada Kenya waxaay Kismaayo ku xasuuqeen 100 qof oo rayid ah; dhammaadkii October 2012, ciidamada Kenya oo ay la socdaan Soomaali ay tababareen ayaa kismaayo qabsaday, waxaayna Kismaayo u diideen dowladda Soomaaliyeed; Kenya waxaay ku eedaysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Sharif Sh. Axmed iyo beel Soomaaliyeed (Mareexaan) in ay yihiin argagixis.

4) Tan iyo bilowgii qarnigii 19-aad, waxaa jira beello Soomaaliyeed oo waddammada saamaynta ku leh dhulalaka Soomaaliyeed aysan soo dhawayn oo aysan u ogollayn aqoon, dhaqaale, maamul iyo sumacad; waxaay isku dayaan in la qariyo taariikhdooda adduunka taal; lama jecla in dhulalka Soomaalida, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti ay xil ka qabtaan sababtu waxaay tahay waa waddani rumaysan in ay waddanka ay leeyihiin Soomaaliduna ay tahay ummaddoodii. Arrintani waxaay qayb ka ahayd the scrample of Afrika (1885), in kasta oo la dabciyeey 1991wixii dabciyay. Madxweynihii hore ee Kenya Danial Arab Moi, wuxuu sheegay in Kenya iyo Itoobiya aysan waligood ka shaqayn maslaxad Soomaaliyeed.

VIII. Godobta Midowga Afrika (AU)

Midowga Afrika oo Ciidammo Soomaaliya ka joogaan (Amisom) taariikh ahaan, arrinta Soomaalida (khilaafka xuduudah) ma taageeraan. Itoobiya iyo Kenyana ayeey taageeraan, oo waxaay la jiraan Itoobiya Afrika. Waxaa sabab u ah hadda Kenya iyo Itoobiya sharci kuma joogaan Soomaaliya, sidaasna raali ayeey ku wada yihiin.

1. Waxaa aad u yar wax ururku uu ka qabtay ujeedooyinkii loo aasaasay: xuquuqda bani-aadamka, xiriirka waddammada Afrika ka dhexeeya, xalinta khilaadka ka dhex-jira qaaradda (tusaale, Horn of Africa, khilaafka Eritria iyo Itoobiya).

2. Ururku ma ahan urur diimeed, marka la eego ciidaamada Amisom iyo arrinta Geeska Afrika. Shirkii London (Febuary 2012) Madaxweynaha Ugnada Musafaini, wuxuu BBC (Hard Talk, 24, Feb. 2012) ka sheegay in ay Soomaaliya u joogaan sidii Afrika looga ilaalin dhaqannada Carabta iyo reer Galbeedka (fiirso video)

3. Kampala Accord, madaxdaweynaha Ugandha, Itoobiya iyo … ayaa qayb ka ahaa; waxaa mugti la galinayeey sharafta iyo dowladnimda Soomaaliya, marka la eego nuxurka Kampla Accord (Kampla Accord). Baarlamaankii 436 out of 550 ayaa ogolaatay. Waxaa guddoomiye Baarlamaan ahaa Sharif Hassan Sheikh Adam, Madaxweynuhuna Sh. Shariif Sh. Axmed.

4. Itoobiya iyo Kenya waxaay Amisom isku raaceen in meelaha mucaaradka laga saaro (Soomaali) ay Kenya iyo Itoobiya u dhiibaan Amisom. 2009, waxaa muran ciidammo asal ahaan Soomaali ah oo Kenya tababarto isku khilaafay dowladaha Kenya iyo Itoobiya, madaxweyne …. idaacadaha ka sheegay in ciidammadaasi ay Kenya yihiin. dadkii Kenya sidaas u sheegtay jawaab denbe ha siiso?

5. Laamo Project, waa mashruuc ka kooban shidaal-baaris, wadooyin trains iyo super-high-ways. Waxaa maaligalinaya shirkado isugu jira Asia, Yurub iyo Aftika oo Kenya, Itoobiya iyo East African Comminty (EAC) u fasaxayaan in ay shaqaddooda bilaabaan badda iyo berika dhulka Soomaalida. Waxaana laga maarmi waayeey in Jubooyinku ay safe-guard u noqdaan mashruucaas.

 

Gabagabo, Itoobiya iyo Kenya Ma aqoonsana sharuucda Caalamka, marka la eego kharraarada ay jabiyeen; waxaay ku xadgudbeen sharafta iyo xushmada ay ka mudnayd Soomaalidu; xuquuqda bani-aadamka; waxaay dhaawaceen aasaskii Afrika (AU), Qaramada Midoobay iyo IGAD. Waxaay horumar u diideen Ummadda gobolka gaar ahaan Soomnaalida iyo Itoobiya oo wadaagga wax badan. Waxaa cad in Ummadda Soomaaliyeed aysan nacayb u ahayn Nairobi iyo Addis Ababa laakiin iyaga dhib lugu hayo; in AK47 uu Geeska Afrika xukumo; in Soomaalidu ka gaabiyeen in ay arrimahooda maamushaan; in Soomaalidu u baahan tahay in ay dhistaan ummadnimadooda iyo dowladnimadooda, in ay macaamil wanaagsan la yeehsaan Caalamka (cid xumaysay iyo cid wanaajisayaba). Ugu danbayn, Soomaalidu waa in ay ogaadaan in Itoobiya ay ka duwan tahay Kenya, sidaas daaraateed loo baahan yahay xal nabaddeed oo xaqiiqi ah kuna dhisan istixgalin iyo wax wada qabsi u dhexeeya labada ummaddood Soomaalida iyo Itoobiyaanka.

[1]Micnaha loola jeedo “shifta war”, ciddii biloday iyo wax loola jeedo ayaa fahmo kale u baahan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.