Kooxo hubaysan oo Degmada Dayniile haweenay ku dilay

Muqdisho(Rajonews)Kooxo hubaysan oo arxanlaawayaal ah ayaa Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir waxa ay ku toogteen haweenay kamid aheyd dadka deegaanka.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Dayniile kadib markii labo nin oo wata Biskoolado ay toogteen haweenaydaan oo mehrad ganacsi ku laheyd Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir.

Rasaas ayaa la sheegay ina kala dhaceyn madaxa iyo sidoo kale feeraha taasi oo ugu dmabeyn ku quurbaxday goob aan ka fogeyn gurigeeda oo ah halka kooxaha hubaysan ay ku toogteen haweenaydaasi.

Guddoomiyaha Degmada Dayniile Daahir Xasan Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu jiro dilkaasi naxariis darada ah islamarkaana ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaano ku aadan falkaasi.

Wuxuu sheegay inay ku raadjoogaan kooxahii ka dambeeyay dilka loo geestay haweenaydaasi taasi oo noqonaysa haweenaydii labaad ee Degmada Dayniile lagu dilo.

Kooxaha dilka geestay ayaa durba meesha ka baxsaday kuwaasi oo gaaray ujeedkii ay lahaayeen maadaama ay toogteen haweenay miskiin aheyd.

Arintani ayaa waxa ay naxdin iyo walaac ku abuurtay haweenka kale ee ku sugan Degmada Dayniile oo soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan in dil loo geesto.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.