Madaxweyne Xasan Sheekh oo Turkiga u ambabaxaya

Muqdisho(Rajonews)Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka laguwadaa inuu u ambabaxo dalka Turkiga.

Sida ilo wareedyo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ay inoo xaqiijiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay tagayaan Dalka Turkiga.

Inkastoo aan si dhab ah loo shaacin ujeedka ay u tagayaan dalka Turkiga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda ayaa hadana wararka qaar waxa ay sheegayaan inuu dalkaasi kulan arimaha Soomaaliya ku saabsan uu kula qaadan doonaan Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Sida wararku sheegayaan dalal dhowr ah ayuu soo mari doonaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inkastoo aanan helin dalalkaasi kuwa ay yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan wuxuu kasoo laabtay dalka Ethioia kadib markiii uu socdaalo kusoo kala bixiyay Ethioia iyo Jabuuti.

Waa safarkii ugu horeeye ee uu ku tagayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Dalka Turkiga tan iyo markii uu xilkaasi ku guuleestay.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.