Xukuumadda oo daawoyin iyo dhaqaatiir geeysay xabsiga Dhexe ee Xamar

Muqdisho(Rajonews)Ku simaha Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada Adeega Bulshada iyo horumarinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta deeq daawo ah gaarsiiyay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.

C/risaaq Yuusuf Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in deeqda daawada ah ay ugu talagaleen maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee xamar si kuwa xanuunsan xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Wuxuu sheegay in arintani ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in loo baahan yahay in la daryeelo maxaabiista xabsiga dhexe ku jirta.

Ku simaha Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada Adeega Bulshada iyo horumarinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhaqaatiirta daaweyn laheyd maxaabiista iyo sidoo kale daawada intaba ay ku wareejiyaan taliska xabsiga Dhexe.

Taliyaha xabsiga dhexe ee xamar Xasan Xuseen oo isna halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa ka mahadceliyay daawada iyo dhaqaatiirta maanta xabsiga loogu keenay ee loogu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe ee xamar.

Xabsiga dhexe ee xamar ayaa waxaa ku xiran maxaabiis badan oo ku eedeesan dambiyo kala duwan kuwaasi oo qaarkood halkaasi xaalado caafimaad daro ay ku haysato.

rajonews3@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.