Xukuumadda oo sheegtay in dib udayactir lagu sameyn doono xarumihii Waxbrashada ee Dowladda
Muqdisho(rajonews)Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dib udayactir ballaaran ku sameyn doonto xarumaha waxbarashada dalka Soomaaliya.
Wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in dalka Soomaaliya aysan ka jirin goobo waxbarasho oo dadka si lacag la’aan ah wax ugu bartaan halka Dowladii dhexe ee dalka ay lahaan jirtay.
Saddexda Bilood ee soo socato ayuu sheegay in dib udayactir ballaaran Dowladda ay ku sameynayso si bulshada ay uhelaan goobo waxbarasho oo lacag la’aan.
Tan iyo waagii Dowladdii dhexe dalka Soomaaliya ay meesha ka baxday ayaanan jirin goobo waxbarasho oo dadka Soomaaliyeed ay wax kabartaan si lacag la’aan ah taasi oo saameysay burburkii dalka Soomaaliya soo maray.



