Al-Shabaab oo lagu eedeeyay dilalka dadka waxgalka u ah Bulshada

Muqdisho(Rajonews)Afhayeenka Ciidamada Dawalada ee gobolka Gedo Cabdi Barre Cabdi oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha muqdisho ayaa si kulul uga hadlay dilal al shabaab ka geysteen maalmo kooban gudahood degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Cabdi Barre Cabdi waxa uu sheegay inay inay aad uga xun yihiin gabood falada al shabaab ka geysanayaan degmooyinka iyo deegaanada ay kusugan yihiin gobolka Gedo kuna hanjabay inay ka saari doonaan dhawaan deegaanada ay joogaan.

Afhayeenka Ciidamada Dawlada ee gobolka Gedo ayaa waxa uu tibaaxay inay ka war hayaan culimaa’udiin iyo odayaal dhaqameed todobaadkii hore siyaabooyin kala duwan al shabaab ugu dhex dileen degmada B/dheere.

“Caalamka oo dhan ayaa ujeeda nimankaan nabadiidka waxay gumaadayaan dadka indhaha u’ah bulshada,dhawaan Baardheere ayey culimo iyo odayaal ay ku dileen al shabaab ayuu yiri Cabdi Barre Cabdi”.

Afhayeenka Ciidamada Dawlada ee gobolka Gedo ayaa cod dheer ku sheegay inay diyaariyeen qorshooyin ay deegaanada al shabaab kaga sugan yihiin gobolka Gedo sidi looga saari lahaa.

Hadalkaan kasoo baxay Maamulka Dawlada ee gobolka Gedo waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan al shabaab siyaabooyin kala duwan ay dad rayid ah ugu dileen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.