Kulan deg deg oo madaafiic xalay Muqdisho lagu garaacay looga hadlaye oo Dowladda ay yeesheen

Muqdisho(Rajonews)Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa iminka wuxuu ka socdaa Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxa yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi faarax Shidroon Saacid iyo sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliy ahna kusimha Madaxweynaha dalka Soomaliya.

Kulanka Markii uu soo dhamaaday kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid kaasi oo sheegay in arinta xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ay tahay mid aan loo dulqaadan karin.

Ujeedka kulanka ayaa intiisa badan ku saabsanaa madaafiic xalay lagu garaacay Degmooyin ka tirsan Gobalka banaadir oo geesyatay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dadka shacabka ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo meesha ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in dhibaatda ay Al-Shabaab ka wadaan Magaalada Muqdisho ay tahay arin isa soo tareysa islamarkaana laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay wax ka qabtaan arintani.

Arintani ayaa waxa ay ka dambeysa kadib markii xalay Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen Degmooyin ka tirsan Gobalka Banaadir iyadoo nawaaxiga Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dhaceen Madaafiic.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.