Al-Shabaab oo sheegay inay laayeen ciidamo ka tirsan Puntland

Muqdisho(Rajonews) Ururka Al-Shabaab ayaa faahfahin ka bixiyay dagaal ay la galeen ciidamada maamulka Puntland islamarkaana ka dhacay buuraha galgala meel ku dhaw.

Afhayeenka dhanka dagaalada Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Shabaab ay laayeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland.

Wuxuu sheegay in dagaal ka dhacay buuraha galgala agteda ay ku dileen sideed kamid ah ciidamada maamulka Puntland halka gaari gurmad ah oo ciidan badan ay saarnaayeena ay udhigeen miinada nooca dhulka lagu aaso halkaasi oo uu sheegay inay ku dileen 12-kamid ah ciidankii saarnaa gaariga.

Abuu Muscab ayaa intaasi wuxuu hadalkiisa ku daray in ciidamada Puntland ay dhibaato xoog badan kasoo gaartay dagaalkaasi islamarkaana aysan marnaba kusoo deg degiĀ  doonin mujaahidiinta Buuraha galgala.

Xarun ciidan oo ku dhaw buuraha Galgala ayuu sheegay inay kala waregeen cidamada Puntland saacado kooban inkastoo markii dambe ay dib uga baxen halkaasi.

Masuuliyiinta dhanka ammaanka ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhankooda aysan jirin khasaaro Shabab ay gaarsiiyeen balse Shabaab ay ciidan ka dileen.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.