Ciidamada Axmed Madoobe oo xiray dhaqdhaqaaqa Dekada Kismaayo

Muqdisho(Rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Axmed madoobe ay saaka hakad geliyaan dhaqdhaqaaqa Dekada Magaalada Kismayo.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose ayaa soo sheegayaa in ciidamada Axmed Madoobe ay joojiyeen dhamaan dhaqdhaqaaqii Dekeda Magaalada Kismaayo kadib markii sida la sheegay dekada ay tagayaan wafdi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xitaa la qarinayo dhuxusha taala Magaalada Kismaayo gaar ahaan mida taala dekeda Magaaladaasi si aysan wafdiga u arkin.

Si rasmi ah looma shaacin wafdiga tagaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi iyo ujeedka ay tagayaan intaba laakiin wararka la helaayo kaliya ayaa sheegayaa in dhaqdhaqaaqa Dekda uu xiran yahay.

Maalmahan dambe Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose waxaa kusii qulqulaye wafdi ka tirsan Urur Gobaleedka IGAD ee ku howlan maamul usameynta Gobalada Jubbooyinka iyo Gobalka Gedo.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.