Daawo wariyeyaal Soomaali ah oo si toos ah ama muuqaal ah dood ugu wadaagaya barnaamijka cusub ee Google Plus

Daawo wariyeyaal si toos ah dood ugu wadaagayey barnaamij si toos ah la isku arki karo, oo laguu talo galay in bulshooyinka caalamku si muuqaal ah u wada xariiraan. Barnaamijkaan oo lagu magacaabo Google Plus, waxaa dhawaan adeegyadeeda ku soo dartay shirkadda Internet-ka ee Google.

Hadaba wariyeyaashan oo dhammaantood kala jooga wadamo kal duwan ayaa  barnaamijka oo ay ahayd markii ugu horraysay, islamarkaasina la eegayey sida uu u shaqeyn karo hab-warbaahineed waxaa ay doodaada ku saleynayeen sidee Soomaalidu uga faa’ideysan karaan barnaamijkaan cusub ee Google Plus, gaar ahaan saxaafadda Soomaalida sida: Telefishinnada?.

Barnaamijkaan oo marka la fiiriyo faa’idooyin fara fadan u leh warbaahinta iyo bulshada caadiga ahba,  ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Maxamed Cabdullaahi Siddii, oo ah suxufi inta badan ka shaqeeya horumarinta iyo sare u qaadida saxaafadda Soomaalida iyo waliba ka hortaga tacdiyada suxufiinta Soomaalida.

Si aad u daawato barnaamijka iyo dooda wariyeyaasha, islamarkaasna aad uga faa’ideysato guji nigaxaan (Link) hoose.

https://www.youtube.com/watch?v=gXIF4owMLAY&list=UUOFs4VIIAUbrLKHFcElBKMw&index=1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.