Howlgal ka socda Kenya iyo Soomaalida oo wadnaha farta ku haya

Muqdisho(rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada ammaanka ee dalkaasi Kenya ay howlgal ka sameeyeen xaafada Islii.

Howlgalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii qarax khasaare geestay uu xalay ka dhacay Magaaladaasi iyadoo ciidanka ammaanka Kenya ay saaka ku qamaameen xaafada Islii.

Mid kamid ah dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa soo sheegaya in ciidamada ay wadaan howlgalka islamarkaana ay soo qab qabteen dad badan oo Soomaali ah.

Wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska saaka xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ay ka qab qabteen dad badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lala xiriirinayo qaraxii xalay ka dhacay Magaaladaasi.

Inta badan marka ay dhacaan qaraxyada caynkaan oo kale ah ayaa ciidamada ammaanka ee dalka Kenya waxa ay sameeyaan howlgal ay ku bartilmaameedsanayaan dadka Soomaalida ah ee kunool xaafada Ilsii.

Qaraxa ka dhacay dalka Kenya ayaa masuuliyiin u hadlay Dowladda Kenya waxa ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta dalka Soomaaliya.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa wadnaha farta ku haya marka ay dhacaan qaraxyada caynkaan oo kale ah kuwaasi oo cabsi ka qaba in ciidamada ay kula dhaqaaqaan qab qabasho.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.