Masuul u shaqeeya Qaramada Midoobay oo gurigiisa lagala baxay

Muqdisho(rajonews)Ciidamo sida la sheegay ku lebisnaaye tuutaha ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay waxa ay ka afduubteen masuul ka shaqeynaye mid kamid ah Hay’adaha ka howlgasha Magaalada Baydhabo ee Gobalkaasi.

Xalay ayaa la sheegay in Idiris Cabdi oo ah madaxa Hay’adda FAO ee uqaabilsanaa dhanka Gobalada Baay iyo Bakool xilli uu ku sugnaa gurigiisa niman hubaysan ay kala baxeyn guriga.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn cida ay yihiin ragaasi ka xeestay Idiris Cabdi ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan in kooxaha ka xeestay ay wateen dharka ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Masuuliyiinta Gobalka Baay ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arintani afduubka ah ee lagula kacay masuulka dhanka Baay iyo Bakool u qaabilsan Hay’adda FAO iyaga oo sheegay inay faahfaahin dib ka bixin doonaan.

Si rasmi ah looma hayo ilaa iyo iminka halka la geeyay hayeeshe ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa saaka buuxa xaafada xalay laga ka xeestay masuulkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgalo baaritaano ah oo ay ku baadigoobayaan halka loola dhaqaaqay masuulkaasi ka tirsan Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee loo yaqaan FAO.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.