Qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo khasaaro ka dhashay

Muqdisho(rajonews)Wararka laga helaayo suuqa ganacsiga ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo khasaaro kala duwan geestay.

Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Ganactsada suuqa Bakaaraha oo la hadlay warbahinta rajonews.com qaraxa ayaa wuxuu ahaa bambada gacanta lagu tuuro oo lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in qaraxaasi uusan khasaaro kasoo gaarin islamarkaana dad shacab ah uu kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Inkastoo ciidamada Dowladda Soomaaliya uusan qaraxaasi khasaaro kasoo gaarin ayaa hadana khasaaraha ugu badan wuxuu soo gaaray dadka shacabka ah ee ku gansacada Suuqaasi.

Gaadiidka Gurmadka ee Ambulance ayaa shacabka ka daad gureeye goobtaasi kuwaasi oo ula cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay sameeyeen howlgal baaritaanio ah oo ay ku qab qabteen dhalinyaro badan.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.