Ra,iisul Wasaare Saacid oo Kormeer ku tagay Qeeybo kamida Magaalada Muqdisho.+(Sawirro)

Muqdisho-(Rajonews) Ra,iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Masuuliyiin katiran Golaha Xukmaada ayaa waxay Maanta Kormeer kusoo sameeyay Dhamaanba Kontooralada laga soo galo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Kormeerka uu Sameeyay Ra,iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Arimaha Guddaha Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed,Abaanduulaha ciidamada xooga dalka,Taliyaha booliska, iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka Gobolka Banaadir,iyadoona Deegaanda uu booqday Ra,iisul Wasaaruhu ay kamid yihiin xerada Maslax, Suuqa Xoolaha, iyo Darmooleey.

iyadoona ay Tahay markii ugu horeeysay ee Ra,iisul Wasaare Saacid uu Kormeer nuucaana ku tago qeeybo kamida Gobolka Banaadir,iyadoona Ra,iisul Wasaaruhu uu kulamo laqaatay Saraakiisha Ciidamada Hogaamineysa Deeganada uu Maanta Booqashada ku tegay Ra,iisulwasaare Saacid.

Kormeerkan ayaa wuxuu ahaa mid Ra,iisulwasaaruhu uu kusoo eegayay bal qaabka ay ushaqeeyaan Ciidamada iyo Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka ee Hogaamiya Ciidamadaa iyo waliba Xaaladaha ay kusugan yihiin , iyadoona Maalmahan ay waday Xukuumadu Dadaalo ay ku xaqiijineeyso Ammaanka Magaalada Muqdisho.


rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.