Taliska Booliiska oo shaaciyay halka laga soo tuuray hoobiyeyaal Degmooyinka tirsan Muqdisho ku dhacay

Muqdisho(Rajonews)Taliska ciidamada Booliiska Gobalka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday halka laga soo turay madaafiic habeen hore ku dhacday nawaaxiga madaxtoyada Soomaaliya iyo degmooyin kale oo ku dhaw dhaw.

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Axmed xasan Maalin oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska Soomaliyeed howlgal ay sameeyeen kadib kusoo ogaadeen halka laga soo tuuray hoobiyaha.

Wuxuu sheegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed howlgalo kala duwan oo ay ka sameeyeen Degmadaasi ay ku heleen raadadka kooxahii ka dambeeyay madaafiicda lagu tuuray Degmooyin kamid ah Gobalka.

“Raadadkoodii bana helnay laakiin weli gacanta kuma soo dhigin waa kooxaha nabaddiidka waana ay dhuumaaleeysanayaan waana soo qaban doonaan”Ayuu yiri Jeneraal maalin.

Generaal maalin ayaa intaasi ku daray inay heleen qolofyadii laga tuuray madaafiicda islamarkaana ciidamada Booliiska ay halkaasi ka ogaadeen raadadka in meesha laga soo turay hoobiyeyaasha.

Habeen hore ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa Madaafiic xoogan oo in muddo ah aysan maqlin dhagaha Shacabka Soomaaliyeed.

rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.