Warar dheeraad oo kasoo baxaya qarax ka dhacay Nairobi

Muqdisho(rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax khasaare ugeestay dad shacab ah.

Qaraxa oo ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa lasoo wariyay in lagu tuuray goob ku dhaw xarunta ciidamada cirka ee Dowladda Kenya ee ku taala xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Sida wararka nagu soo gaarayaan ilaa 10-ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad Kenyaati.

Ciidamada Kenya ayaa saaka waxa ay howlgal kawadaan Magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya halkaasi oo ay ku qab qabteen dhalinyaro badan oo Soomaali ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Magaalada Nairobi ay uruuriyeen Soomaali badan oo ay la xiriirinayaan qaraxa xalay ka dhacay agagaarka xarunta ciidamada cirka ee Kenya.

Qaraxyada caynkaan oo kale ah ayaa waxa ay dhowr mar ka dhaceen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar  ahaan xarunta ciidamada cirka ee dalka Kenya ee ku taalo xaafada Islii.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.