Hooyada Dhashay Musikeeys-taha Bashiir Hanuuniye oo Dhowaan soosaartay Hees ay ugu talo gashay Wiilkeeda Bashiir+(Daawo)

Copenhagen-(Rajonews) waxaa Dhowaan Soobaxday Hees ay Sameesay Hooyada Dhashay Bashiir Hanuuniye oo ah Fannaan iyo Muusikeeste weeyn oo Soomaalida dhaxdeeda Caan ka ah.

Heesta ay Samaysay Hooyo Surayo ayeey waxay ugu talo Gashay Wiilkeeda Curadka ah ee Bashiir Hanuuniye,iyadoona Hooyo Surayo kula Dardaar-maysa Wiilkeeda in uu Guursado Gabar Wanaagsan,Diinaleh,uuna Caashaq iyo jacayl ba u qaadan Gabad aan wanaagsaneeyn.

lama garanayo Sababta ay Heestan Dardaaranka ah ay imika ugu soobeegtay Hooyo Surayo,waloow Qooyska Reer Hanuuniye uu yahay Qoys Fannaayd haddana Hooyada Dhashay Bashiir Hanuuniye horay loogama baran in ay Qeeyb kaqaadato Fanka ay Oday-geeda iyo Caruurtuba ku Caan noqdeen.
iyadoona ay jirtay in uu Bashiir Hanuuniye Horay u guursaday fannaanada Caanka ah ee Farxiya Fiska waloow ay Qadartu muddo yar kadib Guurkoodii ay kala geeysay haddana waxaa jira Warar Xan ah oo Suuqa ku jira,iyadoona uu jiro Dagaal dhanka fanka ah oo u dhaxeeya labbada Fannaan ee Farxiya Fiska iyo Bashiir Hanuuniye.

waxaa jira dhoowr Heesood oo horay ay usoo qaadeen labbada fannaan Bashiir Hanuuniye iyo Fiska ayna u Muuqdeen kuwo Jabaawo isu ah waloow labbada fannaan-ba ay ka gaabsadeen in ay Arinta ka hadlan.
Haddaba Halkan ka Daawo Heesta Hooyo Surayo sameeysay Miraheeda.

http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=CJXpqNIX4lQ

waxaad kaloo halkan ka Daawataa Heestii u danbeesay ee Fiska iyo King Khaalid wadda Qaadaan.

http://www.youtube.com/watch?v=LiZhw0QiG7k

rajonews3@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha ()

Fikradaha Akhristayaasha (0)