Kooxo hubaysan oo Oday dhaqameed ku dilay Degmada Ceelbuur

Muqdisho(Rajonews)Wararka ka imaanaya Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegayaa in halkaasi lagu dilay mid kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Gobalkaasi.

Sida ay soo sheegayaan dadka ku sugan Magaalada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud kooxo hubaysan ayaa lasoo sheegayaa inay dileen odaygaan kamidka ahaa dadka deegaanka sidoo kalena in muddo ah daganaa Magaaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kle sheegayaa in kooxaha hubaysan ay guriga kala baxeyn Odaygaan islamarkaana ay ku toogteen bartamaha Magaalada halkaasi oo lagu arkay meydkiisa.

Ilaa hada lama garanayo sababta ka dambeysa dilka loo geestay Oday dhaqameedkaan kunoolaa Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud.

Maamulka Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ilaa iyo iminka kama hadlin dilka loo geestay odaygaan ku sugnaa Magaalada Ceelbuur ee Gobalkaasi Galgaduud.

Deegaanka u dilka ka dhacay oo ah Ceelbuur waa deegaan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab marka loo eegana waxa ay tahay deegaan ammaan badan oo aysan sahlaneyn in dil kooxo hubaysan ay halkaasi ku dilan qof shacab ah.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.