Oday Soomaali ah oo dhaqaale-xumo darteed isagu dilay magaalladda Dubai + Dhagayso

Dubai-(Rajonews) Taliye-xigeenka Boliska ee magaalldda Dubai ee dalka Iimaaraadka Carabta, Sarreeye Gaas Matter Khamiis Al-mwzaina, ayaa shaaca ka qaaday inay soo af-jareen baaritan ay ku hayeen sababihii uu isku dilay Nin u dhashay dalka Somalia, kaasi oo bishii hore ee November 27-dii is-dilay.

Sarkaalku, waxa uu xusay inay ogaadeen inuu Odayga Soomaaliga ee is-dilay ay la soo gudboonatay xaallad dhaqaale-xumo, kadib, markii uu in muddo ah Xabsiga ku jiray.

0daygaasi oo da’diisa laguqiyaasay 62-jir  ilaa 68-jir ayaa waxa uu iska soo tuuray Dabaqa Afaraad ee Hotelka Gloria oo ku yaalla magaalladda Dubai, wuxuuna isagoo mayd ah ku dhacay waddada hareer marta Hotelkaasi, oo ku dhow Dubai Internet City.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

War laga soo xigtay Boliska magaalladda Dubai ayaa sheegay in 0daygaasi uu is-dilay, iyadoo uu Reerihiisa ka waayey wax taageero ah, si uu u helo dhaqaale uu noloshiisa ku maareeyo.

Warbixinta ayaa lagu xusay inuu 0daygu isku-dilay dhaqaale-xumida soo wajahday, isla markaana uu u arkay inuu dhibkaasi kaga bixi karo inuu is-dilo.

Waa falkii labaad ee noocaasi ah oo ka dhaca Dubai muddo isbuuc gudaheeda ah, iyadoo Muwaadin kale oo u dhashay dalka India uu is-dilay, kadib, markii uu culays kala kulmay Shirkaddii uu u shaqeynayey.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit

Magaaladda Jabouti 

Email: wararka@live.se

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.