Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada oo wadnaha farta ku haya

Muqdisho(Rajonews)Xilli habeen ka hor ah magaalada muqdisho waxaa lagu dilay mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana arintaasi qalqal iyo cabsi ay ku abuurtay odayaasha dhaqanka.

Suldaan ceyndaruus suldaan saalax oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in xiligaan ay soofooodsaartay qal iyo cabsi.

Asigoona sheegay in uu san garaneenin sababta loo bartilmaameysanaayo odayaasha dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka.

Laba habeen ka hor ayey aheyd markii kooxo bistoolada ku hubeysan dagmada wadajir ay ku dileen mid kamid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya.

Waxaana arintaasi ay cabsi ku abuurtay odayaashii dhaqanka ee iyana qeybta ka ahaa xulista Baarlamaanka cusub ee soomaaliya iyo xal u raadinta daka.

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay ku eedeeyeen ina dayacday ammaanka Odayaasha tan iyo markii danta laga lahaa laga gaaray sida ay sheegeen oo ay soo xuleen Xildhibaanada Dastuurkana ansxiyeen.

Rajonews3@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.